Wednesday, January 17th, 2018

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo bar baro ku kala tagay lugta koowaad ee afar dhamaadka Carabao Cup+SAWIRRO

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-1-2018) Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa xalay garoonka Staform Bridge kuwada ciyaaray kulan aad u xiisa badnaa oo ka tirsanaa wareega 4 dhamaadka tartanka Carabao Cup.

Kulanka ayaa daqiiqadihii loogu talagalay ku soo idlaaday barbaro 0-0 oo labada kooxood aysan wax goolal iska dhalin laakiin guud ahaan kulanka waxaa jiray fursado goolal loo filan karay oo labada dhinac ay qasaariyeen.

Inta ay socotay qeybtii hore ee kulanka Chelsea ayaa lumisay fursadii ugu qaalisaneyd kulanka markii ciyaariyahanka xulka Nigeria ee Victor Moses uu ku dhawaaday in uu gaaro goolka Arsenal laakiin isku daygaasi ayaa noqday mid qasaaray.
Qeybtii labaad ee kulanka ayaa bilaabatay laakiin labada kooxood ayaa sii watay weerarada aan natiijada lahayn oo ay isku qaadayeen daqiiqad walba oo kulankaasi kamid ahayd mana jirin koox ka faaideysata fursadaha soo maray Chelsea waxay sameysay 21 isku day halka Arsenal ay sameysay 8 isku day.

Wilshere oo si joogto ah u soo ciyaarayay kulamadii ugu danbeeyay ayaa u muuqday mid ay jugi soo gaadhay oo aan sii ciyaari karin, waxayna xidiga ree England u ahayd xaalad kale oo murugo leh maadaama oo uu si aad u fiican u soo ciyaaray kulamadii ugu danbeeyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah taas oo natiijo fiican u ahayd kooxda uu Arsene Wenger ka ganaaxnaa ee Arsenal oo kulanka Emirates Stadium haysata fursad fiican oo ay ugu soo bixi karto finalka EFL Cupka iyada oo ciyaartoy dhaawac kaga maqan iyo Wenger-ba dib u heli doona,waxayna Conte iyo kooxdiisa ku ahayd natiijo ayna doonayn.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...