Wednesday, January 17th, 2018

Shan Sababood Oo Barcelona Ku Xulatay Yerry Mina

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-1-2018) Barcelona ayaa heshiis la gashay difaaca xulka qaranka Colombia iyo kooxda reer Brazil ee Palmeiras, kaas oo ay kusoo qaadatay 12 milyan oo Euro.

23 jirkan awoodda badan, ayaa waxa uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood iyo badh ah, waxaana uu beddelayaa Mascherano oo ka tegaya Barcelona, isla markaana kusii jeeda waddanka China.

Haddaba, Barcelona ayaa la ogaaday sababihii ay ku xulatay ciyaartoygan oo ay ka eegtay shan arrimood, kuwaas oo sabab u noqday inay ku bixiso lacag badan, isla markaana ku aaminto khadkeeda difaaca iyo booska uu bannaynayo Mascherano.

Shanta arrimood ee Barcelona ay ku xulatay ciyaartoygan oo shabakadda Cadalool.com ay Afsoomaali ka dhigtay, waxay kala yihiin sidan:

  1. Awoodda kubbadaha sare

Waa ciyaartoy dheer oo lagu qiyaasay 1.93 mitir oo ka dhigaysa inuu ka mid yahay laacibiinta ugu dheer kubadda cagta. Khadka dambe ee difaaca ee uu hibada u leeyahay inuu ka ciyaaro, marnaba suurtogal maaha in weeraryahannadu fursad u helaan inay kubbad ka madaxeeyaan. Marka koorne lasoo laago, inta badan madaxiisa ayaa uu la helaa, iyadoo aad mooddo inay ballansan yihiin. Intii uu ka ciyaarayay horyaalka waddanka Brazil, waxa uu ka mid noqday difaacyahannada qaaradda Latin America ugu gool-dhalinta badan, kuwaas oo dhamaantood uu ku dhaliyey madaxa.

  1. Xiradda Difaaca:

Inkasta oo uu yahay ciyaartoy dheer, haddana awoodda uu u leeyahay kubbadaha hoose ee dhulka socda iyo kuwa ciyaartooyada dhexdooda ku jira, waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu wanaagsan. Ka sokow farsamada, waxa uu leeyahay awood jidheed iyadoo miisaankiisu yahay 75 kgs. Intii uu joogay horyaalka waddanka Brazil, waxa uu horumar badan ka sameeyey qaabka difaaca iyo farsamooyinka looga reebo kubbadda weeraryahannada, waxaana taas u dheer xawaare dheereeya.

  1. Farsamada:

Marka uu kubadda difaacayo, uma eka ciyaartoy uu culays saaran yahay, waxaanad moodaa in uu khadka dhexe ka ciyaarayo. Kubbad jiidis, dhiibis iyo inuu la socdo dhaqdhaaqa dhinacyadiisa ayaa lagu yaqaanaa, waxaanay taasi si fiican ula jaan-qaadaysaa hannaanka ciyaareed ee Barcelona.

  1. Kaadh La’aan

Fal-celintiisa degdegga iyo in aanu gelin khalad, waxay ka dhigaysaa ciyaartoy cajjiib ah oo haddana kaadhadhkiisu aad u yar yihiin. Illaa hadda, intii uu ciyaaraha ku jiray, hal mar ayaa kaadh cas la siiyey, kaas oo ahaa kulan ay Palmeiras 2013 la ciyaartay Deportivo Pasto.

  1. Filashada Wacan:

Waa 23 jir boos joogto ah ka haysa xulka qaranka Colombia ee Koobka adduunka 2018 ka qayb-gelaya, waxaana lagu tilmaamay ciyaartoyga ugu wanaagsanaan doona tartankaas kasoo bixi doona.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...