Monday, January 22nd, 2018

Klopp: “Waan Ku Qasbanaa Iibka Coutinho”

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-1-2018) Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa sheegay inay khasab ku noqotay inuu u ogolaado Philippe Coutinho inuu ku biiro Barcelona toddobaadkii hore, kaddib markii kooxdiisa loo shubay 142 milyan oo Gini.

Coutinho oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa u sheegay kooxdiisa inuu diinayo in loo ogolaado inuu ku biiro Barcelona oo ahayd koox uu ku riyoon jiray, waxaase bishii July gaashaanka ku dhuftay maamulka kooxda oo ku khasbay inuu sii joogo, hase yeeshee, markii uu furmay suuqa Jiilaalku, ayaa waxa uu Coutinho dalbaday in haddana la iibiyo, taas oo uu tababare Klopp sheegay in ay ku khasbanaadeen inay u yeelaan.

“Wax kale oo noo bannaanaa ma jirin. Anigu waxaan ogaa in arrintani mar kale dhacayso marka suuqu uu furmo, waxaanay nagu soo noqotay iyadoo xoog badan. Way nagu adkaatay in halkii hore aanu taagnaano.” Sidaas ayuu yidhi tababare Klopp.

Waxa uu macallinka xamaasadda badan sheegay in ciyaartoy qalbigiisu u jeedo koox kale ay adag tahay in lagu hayo kooxda, haddii taa la sameeyona aanu wax faa’iido ah soo kordhinaynin.

Dhinaca kale, tababare Jurgen Klopp waxa uu sheegay in Liverpool aanay fasixi doonin Daniel Sturridge oo 28 jir ah, hase yeeshee wehel u noqday dhaawacyo soo noqnoqday oo wakhtigii uu garoomada wacdaraha ka dhigi lahaa sariirta jiifiyey.

Weeraryahanka u dhashay Ingiriisku waxa uu Liverpool u saftay shan kulan oo kaliya, waxaana lala xidhiidhinayaa inuu ku biirayo kooxaha Southampton iyo West Ham, hase yeeshee, Klopp oo warbaahintu wax ka weydiisay ayaa yidhi sidan: “Waa qayb ka mid ah suuqa, wax aan ka idhaahdona garan maayo. Waynu arki doonaa illaa 31-ka JJanuary oo laga yaabo inay waxyaabo badan oo aan ku koobnayn Daniel oo kaliya ay dhacaan.”

Liverpool waxay ku jirtaa kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay Axadda la ballansan tahay Manchester City oo hoggaanka haysa. Haddii ay ka badiso, waxay heli doontaa niyad iyo dhiirigelin hor leh oo ay ugu loollanto kaalmaha ka sarreeya, haddiise laga badiyo, waxa suurtogal ah in niyad jab ku yimaaddo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Maxay ahayd Sababtii uu Cristiano Ronaldo isugu eegay Telkiisa+Sawiro

(22-1-2018) Real Madrid ayaa muddo dheer kaddib gaadhay guul u muuqatay inay dib usoo celinayso kalsoonidii kooxda, kaddib ...

Daawo: Guushii ay Xalay AC Milan ka Gaartay Cagliari

(22-1-2018) Kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii xiisaha badnaa ee ay xalay ...

Manchester City Oo Shaacinaysa Heshiis Cusub Oo Ay La Gashay De Bruyne

(22-1-2018) Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester City ayaa ku dhowaaqaysa heshiis wakhti dheer ah oo ay ...

Memphis Depay oo xilli dambe wadnaha jaray kooxda PSG xilli Neymar uu maqnaa+SAWIRRO

(22-1-2018)Kooxda PSG ayaa waxay Khasaare kala kulantay Naadiga Lyon ee horyaalka Faransiiska kala dhisan, ciyaar la arkayay iyadoo ...

Kooxaha Inter Milan iyo AS Rome oo bar baro ku kala tagay+SAWIRRO

(22-1-2018)Kulan xiiso leh oo ka tirsan horyaalka Talyaaniga ayaa dhexmaray koxoaha Inter Milan iyo Roma, waxaana guul u ...

Kooxda Barcelona oo sii wadata guuleheedii La liga xilli ay gurigooda kusoo xasuuqeen Real Betis+SAWIRRO

(22-1-2018)Barcelona ayaa halkeeda ka sii wadatay guulihii horyaalka La Liga ee ay xili ciyaareedkan ku soo raaxaysanaysay iyada ...

Layaab: Koobkii League Cup oo Manchester United Lumisey lana garan waayey meel la dhigay

(22-1-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa u dabbaal degtay hanashada Koob ay Southampton uga qaadeen 3-2 goolal ...

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo Badges-ka FIFA Gudoonsiiyey Garsoorayaashii Heerka Caalami gaaray 2018

(22-1-2018) Xiriirka kubada Cgata Soomaaliya ayaa Xaflad u qabtay Garsoorayaasha Kubada Cagta ee dhawaan Noqday Heerka Caalami kuwaas ...

Daawo: Real Madrid oo Goolal badan ku badisay iyo Ronaldo oo dhiigiisa u bixiyey

(21-1-2018) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa Guul ka Gaartay kulankii xiisaha lahaa ee ay la dheeleen Naadiga Deportivo ...

Alexis Sanchez oo bartanka kaga jira fadeexad wax u dhimeysa Sumacadiisa?Sawiro

(21-1-2018) Paulina Sobierajska, waa 20-jir, waxay sheegtay in Sanchez uu iyada u ballan qaaday in uu siinayo £1,000 ...

Chelsea oo shaacisay Cayaaryahan ay heshiis lagaareen waa kuma?

(21-1-2018) Kooxda kubada Cagta Chelsea ayaa goordhow ku dhawaaqday in ay heshiis lagaartay daafaca Garabka ka cayaara ee ...

Kulanka Cagliari iyo AC Milan oo shaki badan lagelinayo in la dheeli doono Sabab?

(21-1-2018) Warar Goordhow soo baxay ayaa sheegaya in shaki badan lagelnayo in lacayaari doono kulanka dhex mari doona ...

Masayr: Paul Pogba oo dalbaday in la laba jibaaro mushaarka uu hada ka qaato Manchester United

(21-1-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Manchester United ee Paul Pogba ayaa lasheegayaa in uu dalbaday in la laba ...

DEG DEG: Alexis Sanchez oo ka soo degay Magaalada Manchester kuna sii jeeda Xerada Tababarka ,Man United+Sawiro

(21-1-2018) Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa kasoo degay Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Manchester waxaana Gaari loogu ...

Marcos Rojo iyo qoyskiisa oo lagu arkay Garoonka diyaaradaha London+Sawiro

(21-1-2018) Daafaca kooda kubada cagta Manchester United Marcos Rojo iyo qoyskiisa ayaa lagu arkay Garoonka diyaaradaha Magaalada London  ...