Friday, January 19th, 2018

Maxay tahay dhibaatada hor taagan in uu koox kale u wareego Alexis Sanche

Published on January 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-1-2018)Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ayaa shalay sameeyay isku day ay ku doonayaan in Manchester City ay kaga afduubaan Alexis Sanchez kaas oo hore kooxda Guardiola ula gaadhay heshiis mabda’iyan ah balse burburay maalintii suuqii xagaagii la soo dhaafay ugu danbeeyay. Sida ay warbiin badan oo England ahi qortay Man United ayaa doonaysa in ay 25 milyan Pound ku soo xero galiso adeega Alexis Sanchez.

Qiimaha ay Manchester United ku doonayso Sanchez ayaa wax yar ka badan 20 milyan Poundka ay Manchester City diyaarka la tahay in ay Sanchez ku keeto Etihad Stadium iyada oo sababta uu qiimaha Sanchez si wayn hoos ugu dhacay ay tahay in shan bilood iyo badh kaliya uu Arsenal la sii joogi karo oo uu si xor ah kaga bixi doono dhamaadka xili ciyaareedkan haddii aan hadda la iibin maadaama oo uu iska diiday in uu heshiis cusub saxiixo.

Manchester United ayaa u soo bandhigtay Arsenal 25 milyan oo Ginni iyo waliba Mkhitaryan si Gunners ay u fasaxdo weerar yahanka reer Chile suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo.

Anthony Martial ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa tan iyo markii uu yimid tababare Jose Mourinhi, wuxuuna ku sigtay inuu ka tago kooxda suuqii xaggaaga.

Arsene Wenger ayaa aad ula dhacsan Anthony Martial, wuxuuna doonayaa inuu qayb ka noqdo heshiiska kooxda United ay ku doonayso Sanchez.

Lama oga in kooxda tababare Mourinho ay aqbalayso dalabka Arsene Wenger, balse waxaa xusid mudan in United haatan ay kali ku tahay tartanka kadib markii ay isaga baxday kooxda Man City.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiriirka UEFA oo baaritaan ku samaynaya Manchester United Sabab?

(18-1-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa laxaqiijiyey in ay baartaan ku samayn doonaan Manchester United ...

Warbixin: Dhibka haysta Real Madrid iyo Cayaartoyda ay doonayaan?

(18-1-2018) Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez waxa uu aaminsan yahay in wakhtigii BBC uu dhamaad ku dhow yahay, ...

Henrikh Mkhitaryan oo fariin Macasalaameys ah u diray Taageerayaasha Manchester United

(18-1-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray fariin uu ku ...

Dhamaan kooxaha Premier League Cayaartoyda ka tagtay iyo kuwa ay soo qaateen bishaan Janaayo

(18-1-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal dhamaan kooxaha Horyaalka Premier League  dalka England Cayaartoyda ay qaateen bishaan Janaayo iyo ...

SHALAY MAANTA KU ILOW,MILYINEERKA CUSUB EE ENGLAND SANCHEZ LACAG IYO MAGAC AYUU DOONTAY:OGOW SIRTA?Sawiro

(18-1-2018) Alexis Sanchez ayaa caawa si rasmi ah ugu biiri doona kooxdiisa cusub ee Man United oo ah ...

Saadaaliyaha Cayaartoyda imaaneysa Man United Jesse Lingard oo sheegay in diyaarsaday qaabkii uu u Salaami lahaa Alexis Sanchez

(18-1-2018) Xiddiga kooxda kubada Cagta Manchester United Jesse Lingard ayaa bartiisa Instagram+ka soo dhigay hadalo uu ku muujinayo soo dhaweynta ...

Daawo Sawiradii ugu danbeeyey Alexis Sanchez oo ku sii jeeda Manchester United

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Fariintii qiirada lahayd ee uu Garoomada ku Sagootiyey Ronaldinho?

(18-1-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona, PSG iyo AC Milan ee Ronaldinho ayaa farriin ...

Heshiiska Alexis Sanchez oo lashaaciyey Xiliga uu dhacayo?

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Cajiib! Taageereyaasha PSG Oo Cay U Miisay Neymar Markii Uu Dhaliyey Goolka 4aad

(18-1-2018) Neymar ayaa markii u horreysay taariikhdiisa casriga ah ee Yurub, waxa uu u dabbaal-degay afar gool oo ...

Nicolas Otamendi:Noloshaydii ayaa u hibeeyay kooxda Man City:

(18-1-2018) Nicolas Otamendi ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii haynaya ilaa 2022, Otamendi oo Man City u ...

Neymar oo xalay wax lala yaabo ka dhigay horyaalka faransiiska Xili Edison Cavani uu Soo Qabtey Record-kii Zlatan Ibrahimovic+SAWIRRO

(18-1-2018) Edinson Cavani ayaa Noqonaya ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Paris Saint-Germain maadama uu xaley dhaliyey gool uu u baahnaa ...

Kooxda Barcelona oo laga jabiyay rikoorkii guul dara la,aanta xilli Kooxda Espanyol ay garaacday+SAWIRRO

(18-1-2018) ooxda Espanyol ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaro u soo xambaarisay kooxda Valverde ee saddexda ...

Kooxda Chelsea oo Rigooreyaal uga Badisay Norwich xilli laba casaan ah kooxda la siiyay+SAWIRRO

(18-1-2018) Chelsea ayaa dhibaato wayn kala kulantay kooxda heerka labaad ee Norwich City iyada oo rekoodhayaal 5-3 ah ugu ...

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...