Saturday, February 24th, 2018

Olivier Giroud Oo Fursad U Heysta In Uu Ku Soo Bilawdo Cayaarta West Brom

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-2-2018) Cayaariyahanka xulka qaranka France iyo kooxda Chelsea  Olivier Giroud, ayaa caawa kulankiiisii koowaad ugu soo bilaaban doona kooxda ku ciyaarta Staform Brdidge marka ay caawa garoonkeeda ku soo dhaweyso kooxda The Hawthons ku ciyaarta ee West Brom.

Tababaraha cadaadiska uu saaranyahay ee Antonio Conte ayaa caawa looga baahanyahay in uu iska ka bad baadiyo guuldaradii 3-aad ee xiriir ah kadib 2009 markaa oo uu maamulayay kooxda Bari oo hada ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Talyaaniga.

Alvaro Morata oo xagaagii la soo dhaafay aduun dhan 70 Milion ugu soo biiray Chelsea ayaa dhaawac garoomada kaga maqan waxaana aad loo hadal hayaa in Giroud uu caawa soo gali karo weerarka kooxda Chelsea kadib 18 Milion uu Blues uu dhawaan ugu soo biiray.

Kadib markii uu xagaagii la soo dhaafay Alexandre Lacazette ku soo biiray Arsenal, Giroud ayaa hal kulan oo Premier League ku soo bilawday isagoo ku sugan Emirates sidoo kale imaanshaha laacibka Gabon Pierre-Emrick Aubameyang, ayaa wiilka France u dhashay ku dhiira galisay in uu isaga dhaqaaqo Emirates.

Giroud, ayaa intaa kadib soo caga dhigtay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea halkaa oo booska koowaad ee weerarka uu ka heystay Morata ka hor intii dhaawaca uusan soo gaarin bishii la soo dhaafay.

Dhanka kale imaanshaha Giroud ee Staform Bridge ayaa fududeesay in xidiga Beligium ee Michy Batushuayi uu qaab amaaha uga tagto Blues isagoo kamid noqday kooxda ku ciyaarta Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan

(24-2-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa laga dheeli doonaa qaarada yurub Cayaaro aad u xiiso badan oo ku tirsan ...

Arsene Wenger weligiis kuma Guuleysan League Cup balse ogoow inta koob ee kale ee uu qaaday?Sawiro

(24-2-2018) Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo Axada soo socota kooxdiisu dheeli doonto Finalka koobka League Cup ayaan weligiisa ...

Cayaaryahan Caan ah oo 17 bilood Garoomada Kubada cagta laga Ganaaxay?

(24-2-2018) Mid ka mid ah Cayaartoyda ugu caansan Caalamka isla Markaana dheelayey koobka iyo koobab kale oo waa ...

Diayaarad uu saarnaa Pep Guardiola oo mudo dheer la xayiray kadib markii laga shakiyey?

(24-2-2018) Warar ay daabaceen warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in mudo Saacadao ah laxayiray diyaarad qaas oo uu lasocdey ...

Cayaartoy Muhiim ah oo Real Madrid ka maqnaan doona Kulanka Alaves?

(24-2-2018) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo odobaadkaan soo Ciriirsatay kaalinta 3 aad ee Horyaalka La Liga ayaa ...

Jose Mourinho oo si layaab leh uga hadlay Xaalada Paul Pogba?

(24-2-2018) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester United Jose Mourinho oo shir Jaraa id qabtay Jimcihii ayaa ka hadlay ...

FIFA oo Go aan ka Gaartay dawadii u dhaxaysey Neymar iyo Barcelona?

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa Go aan kama dambays ah ka gaaray dacwadii u dhaxaysey ...

Xiriirka FA ga oo Cadeeyey in Pep Guardiola uu Ganaax ku muteysan doono Calaamada Jaalaha ah ee uu Jaakadka ku dhegsado Sabab?Sawiro

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta dalka England ee Magaciisa loosoo gaabiyo FA ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Macalinka Manchesgter ...

Kooxda PSG oo kulan isugu yeertay Horjoogayaasha Taageerayaasheda kalana hadashay Cayaarta Real Madrid?Sawiro

(23-2-2018) Maamulka Macalimiinta iyo qaar ka mid ah Cayaartoyda  kooxda kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa kulan ...

Isku Aadka Wareega 16 ka ee koobka UEFA Europa League iyo Kooxo waa weyn oo isku dhacay

(23-2-2018) Waxaa Maanta lasameeyey isku aadka koobka UEFA Europa League wareegiisa 16 ka waxaana isku soo beegmay kooxo waa ...

Liiska kooxaha u soo baxay Wareega 16 ka koobka Europa League iyo kuwa kaharay?

(23-2-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Liiska kooxaha qaarada yurub ee xaqiijiyey in ay u soo bexeen Wareega ...

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Cayaar katirsan koobka Europa League+Sawiro

(23-2-2018) Waxaa Rabshado aad u xoog badan ka dheceen Cayaar kutirsanayd koobka UEFA Europa League oo dhex martay kooxaha ...

Daawo sawirada Tababarkii Chelsea oo isku diyaarineysa kulanka Manchester United

(23-2-208) Kooda Kubada cagta Chelsea ayaa Samaysey tababar adag oo ay ugu diyaar garoobayaan cayaarta ay Axada wajihi ...

Sergio Ramos oo u dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee uu Real Madrid u dheelo

(23-2-2018) Daafaca kooxda kubada cagta Real Madrid Sergio Ramos ayaa siweyn ugu dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee ...

Sergi Roberto oo heshiis cusub oo qaali ah u saxiixay Barcelona+Sawiro

(22-2-2018) Daafaca garabka ka Cayaara ee kooxda Barcelona Sergi Roberto ayaa ugu danbayn heshiis cusub lagaaray koodiisa isaga ...