Saturday, February 24th, 2018

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Cagta marisay Basel

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-2-2018) Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lug lasii gashay wareegga 8-da kooxood ee tartanka Champions League kaddib markii ay karbaashtay FC Basel oo ay marti u ahayd.

Kooxda tababare Guardiola ayaa garoonka kusoo gashay dardar, waxaanay bilowgiiba baas aanay kubaddu halka loogu talo galay ka khaldamaynin khadka dhexe iyo difaaca ka daadihiyey xiddigaha ma-daaleyaasha ah ee City, kuwaas oo ay hormood u ahaayeen De Bruyne, Fernandinho, Silva iyo difaaca oo u ciyaarayey sida khadka dhexe oo kale.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka St. Jakob Park ayaa waxa daawashadeeda iska soo xaadiriyey 36,000 qof, kuwaas oo si adag u taageerayey FC Basel.

Daqiiqaddii 14aad ayaa ay Manchester City hoggaanka la wareegtay, markaas oo Ilkay Guendogan uu shabaqa Basel dhex dhigay kubbad uu ka helay De Bruyne, hase yeeshee, Bernardo Silva oo buuxiya booskii uu ka dhaawacmay Sane ayaa afar daqiiqadood oo kali ah kaddib u labeeyey, waxaana uu la damaashaaday Raheem Sterling oo gacan ka siiyey dhalinta goolka.

Daqiiqaddii 23-aad oo noqonaysa toddoba daqiiqadood kaddib goolka labaad ayaa uu Sergio Aguero kooxdiisa Manchester City u dhaliyey goolka saddexaad, waxaana ay labada kooxood ku kala nasteen 3-0 ay leedahay Manchester City.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay maraysay daqiiqaddii 57aad ayaa ay Manchester City 4-0 ka dhigtay ciyaarta markaas oo uu gool u saxeexay Ilkay Guendogan oo gacan ka helay Aguero.

City oo u muuqata inay si fudud ugu soo gudbayso wareegga siddeed dhamaadka, waxay kulanka dambe kusoo dhoweyn doontaa FC Basel garoonkeeda Etihad, halkaas oo la saadaalinayo inay goolal badan u miisi doonto.

PLAYER RATINGS AND MATCH ZONE…

BASLE (3-4-3): Vaclik 4.5; Xhaka 5.5, Lacroix 6.5, Suchy 6; Lang, Frei 5, Die 6, Riveros 5.5; Stocker 6 (Ajeti 71), Oberlin 5, Elyounoussi 5.5 (Bua 85).

Subs: Salvi, Zuffi, Van Wolfswinkel, Manzambi, Petretta.

Booked: Xhaka, Die

Manager: Raphael Wicky 5

MAN CITY (4-3-3): Ederson 6.5; Walker 7, Kompany 7, Otamendi 6.5, Delph 7; De Bruyne 7 (D Silva 63, 6.5), Fernandinho 7, Gundogan 8; B Silva 7.5, Aguero 7 (Danilo 86), Sterling 6.5 (Sane 57, 6.5).

Subs: Bravo, Stones, Laporte, Foden.

Scorers: Gundogan 14, 54, B Silva, Aguero 23

Booked: Fernandinho, Gundogan

Manager: Pep Guardiola 8

Referee: Jonas Eriksson (Sweden) 7

Star man: Ilkay Gundogan

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan

(24-2-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa laga dheeli doonaa qaarada yurub Cayaaro aad u xiiso badan oo ku tirsan ...

Arsene Wenger weligiis kuma Guuleysan League Cup balse ogoow inta koob ee kale ee uu qaaday?Sawiro

(24-2-2018) Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo Axada soo socota kooxdiisu dheeli doonto Finalka koobka League Cup ayaan weligiisa ...

Cayaaryahan Caan ah oo 17 bilood Garoomada Kubada cagta laga Ganaaxay?

(24-2-2018) Mid ka mid ah Cayaartoyda ugu caansan Caalamka isla Markaana dheelayey koobka iyo koobab kale oo waa ...

Diayaarad uu saarnaa Pep Guardiola oo mudo dheer la xayiray kadib markii laga shakiyey?

(24-2-2018) Warar ay daabaceen warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in mudo Saacadao ah laxayiray diyaarad qaas oo uu lasocdey ...

Cayaartoy Muhiim ah oo Real Madrid ka maqnaan doona Kulanka Alaves?

(24-2-2018) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo odobaadkaan soo Ciriirsatay kaalinta 3 aad ee Horyaalka La Liga ayaa ...

Jose Mourinho oo si layaab leh uga hadlay Xaalada Paul Pogba?

(24-2-2018) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester United Jose Mourinho oo shir Jaraa id qabtay Jimcihii ayaa ka hadlay ...

FIFA oo Go aan ka Gaartay dawadii u dhaxaysey Neymar iyo Barcelona?

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa Go aan kama dambays ah ka gaaray dacwadii u dhaxaysey ...

Xiriirka FA ga oo Cadeeyey in Pep Guardiola uu Ganaax ku muteysan doono Calaamada Jaalaha ah ee uu Jaakadka ku dhegsado Sabab?Sawiro

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta dalka England ee Magaciisa loosoo gaabiyo FA ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Macalinka Manchesgter ...

Kooxda PSG oo kulan isugu yeertay Horjoogayaasha Taageerayaasheda kalana hadashay Cayaarta Real Madrid?Sawiro

(23-2-2018) Maamulka Macalimiinta iyo qaar ka mid ah Cayaartoyda  kooxda kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa kulan ...

Isku Aadka Wareega 16 ka ee koobka UEFA Europa League iyo Kooxo waa weyn oo isku dhacay

(23-2-2018) Waxaa Maanta lasameeyey isku aadka koobka UEFA Europa League wareegiisa 16 ka waxaana isku soo beegmay kooxo waa ...

Liiska kooxaha u soo baxay Wareega 16 ka koobka Europa League iyo kuwa kaharay?

(23-2-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Liiska kooxaha qaarada yurub ee xaqiijiyey in ay u soo bexeen Wareega ...

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Cayaar katirsan koobka Europa League+Sawiro

(23-2-2018) Waxaa Rabshado aad u xoog badan ka dheceen Cayaar kutirsanayd koobka UEFA Europa League oo dhex martay kooxaha ...

Daawo sawirada Tababarkii Chelsea oo isku diyaarineysa kulanka Manchester United

(23-2-208) Kooda Kubada cagta Chelsea ayaa Samaysey tababar adag oo ay ugu diyaar garoobayaan cayaarta ay Axada wajihi ...

Sergio Ramos oo u dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee uu Real Madrid u dheelo

(23-2-2018) Daafaca kooxda kubada cagta Real Madrid Sergio Ramos ayaa siweyn ugu dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee ...

Sergi Roberto oo heshiis cusub oo qaali ah u saxiixay Barcelona+Sawiro

(22-2-2018) Daafaca garabka ka Cayaara ee kooxda Barcelona Sergi Roberto ayaa ugu danbayn heshiis cusub lagaaray koodiisa isaga ...