Saturday, February 24th, 2018

Qiimey lagu sameeyey Cayaartoyda BBC vs MCN: Yaa Wanaagsan Sanadkan?

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-2-2018) Magacyada BBC iyo MCN , ayaa walaac xoogan ku abuuri doona difaacyada kooxaha PSG iyo Real Madrid marka ay kooxahan habeen danbe ku coltamaan garoonka Bernabue ee kooxda Real Madrid.

Paris Saint Gemain weerarka xidigaha kaga ciyaaraya ee Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Neymar xiligan waa weeraryahanada ugu sareeya Ligue 1 waxayna gilgileen qaarada yurub sanad ciyaareedkan.

Laakiin kaliya xidigahaas kaliya ma jiraan.

Real Madrid ayaa jirta oo uu ka cabsado difaac waliba oo ka hor imaanaya weerarkooda marka uu maqlo Benzema, Ronaldo iyo Gareth Bale oo sanadkii hore wacdaro ka soo dhigay Champions League.

Rikoorka goolasha ee xidigaha MCN.

2017/2018 MCN waxay dhaliyeen 71 Gool  (Cavani 28, Neymar 28, Mbappe 15)

Rikoorka goolasha ee xidigaha BBC.

2013/2014 BBC waxay dhaliyeen 59 Gool (Ronaldo 33, Benzema 15, Bale 11)

2014/2015 BBC waxay dhaliyeen 76 Gool (Ronaldo 43, Benzema 17, Bale 16)

2015/2016 BBC waxay dhaliyeen 77 Gool (Ronaldo 40, Benzema 23, Bale 14)

2016/2017 BBC waxay dhaliyeen 47 Gool (Ronaldo 25, Benzema 13, Bale 9)

2017/2018 BBC waxay dhaliyeen 40 Gool (Ronaldo 24, Benzema 7, Bale 9)

Garoonka Santiago Bernabue ayaa marti galin doona lugta hore ee labada kulan ee PSG iyo Real Madrid ku balansanyihiin wareega 16-ka Champions League halka ciyaarta labaad ee labadan kooxood ay ka dhici doonto halka loo yaqaano beerta amiirada ee Parc De Princess oo Paris Saint Germain ay ku ciyaarto.

Marka laga soo tago bandhiga liita ee Ronaldo uu ka sameynayo Laliga hadana wuxuu la soo baxaa qaab ciyaareed laga cabsado marka la yimaado Champions Legaue weerarka Portugal ayaana shantii sano ee la soo dhaafay ku guuleystay xidiga ugu sareeya gool dhalinta Champions League,sidoo kale Ronaldo waa laacibka xiligan horkacaya gool dhalinta Champions League.

Sagaal gool oo Ronaldo uu dhaliyay lix kulan oo Champions League xili ciyaareedkan ayaa wiilka Portugal kaga dhigantahay xidigii ugu horeeyay ee sidaasi sameeya.

Dhanka kale xidigaha PSG ayaa sameeyay bandhiga lala yaabay iyagoo wadar ahaan xili ciyaareedkan dhaliyay 79 gool 38 kulan oo ay ka soo muuqdeen dhamaan tartamada xidigaha Woqooyiga America ka soo wada jeeda ee Neymar iyo Cavani ayaa dhaliyay min 28 gool halka da’yarka France uu dhaliyay 15 gool.

Sanad ciyaareedkii 2015/2016 ciyaartooyda la isku yiraahdo BCC ayaa ruxay qaarada yurub iyagoo dhaliyay wadar ahaan 77 gool 38 kulan oo ay ciyaareen goolashaasi ayaana kala ahaa 40 gool katimid kabtanka Portugal 23 uu dhaliyay Benzema iyo 14 gool oo Bale loo diwaan galiyay.

Kadib markii PSG ay 222 Milion ay ku bixisay saxiixa Neymar sidoo kale ay 180 Milion oo EUROS ay ku bixisay Mbappe iyo 64 Milion oo 2013 ay ku soo iibsadeen Cavani ayaa ka dhigay kooxda maamusha Parc De Princess in ay heystaan weerarka aduunka ugu qaalisan maadaama xidigaheeda weerarka wadar ahaan ay ugu fadhiyaan lacag dhan 464 Milion, sidaasi oo ay tahay kooxda ka dhisan caasimada France ayaa sanadkan rikoor cajiib ah ka sameysay marxalada guruubyada Champions League.

Mucaashaqiinta kubada cagta ee dunida ayaa aad u sugi la’ kulanka habeen danbe laga baasan doono Bernabue oo ay ku hardami doonaan qibrada iyo lacagta waxaana la filayaa in kulankaasi ay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiin kala duwan oo aad can ugu ah saaxada siyaasada.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan

(24-2-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa laga dheeli doonaa qaarada yurub Cayaaro aad u xiiso badan oo ku tirsan ...

Arsene Wenger weligiis kuma Guuleysan League Cup balse ogoow inta koob ee kale ee uu qaaday?Sawiro

(24-2-2018) Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo Axada soo socota kooxdiisu dheeli doonto Finalka koobka League Cup ayaan weligiisa ...

Cayaaryahan Caan ah oo 17 bilood Garoomada Kubada cagta laga Ganaaxay?

(24-2-2018) Mid ka mid ah Cayaartoyda ugu caansan Caalamka isla Markaana dheelayey koobka iyo koobab kale oo waa ...

Diayaarad uu saarnaa Pep Guardiola oo mudo dheer la xayiray kadib markii laga shakiyey?

(24-2-2018) Warar ay daabaceen warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in mudo Saacadao ah laxayiray diyaarad qaas oo uu lasocdey ...

Cayaartoy Muhiim ah oo Real Madrid ka maqnaan doona Kulanka Alaves?

(24-2-2018) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo odobaadkaan soo Ciriirsatay kaalinta 3 aad ee Horyaalka La Liga ayaa ...

Jose Mourinho oo si layaab leh uga hadlay Xaalada Paul Pogba?

(24-2-2018) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester United Jose Mourinho oo shir Jaraa id qabtay Jimcihii ayaa ka hadlay ...

FIFA oo Go aan ka Gaartay dawadii u dhaxaysey Neymar iyo Barcelona?

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa Go aan kama dambays ah ka gaaray dacwadii u dhaxaysey ...

Xiriirka FA ga oo Cadeeyey in Pep Guardiola uu Ganaax ku muteysan doono Calaamada Jaalaha ah ee uu Jaakadka ku dhegsado Sabab?Sawiro

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta dalka England ee Magaciisa loosoo gaabiyo FA ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Macalinka Manchesgter ...

Kooxda PSG oo kulan isugu yeertay Horjoogayaasha Taageerayaasheda kalana hadashay Cayaarta Real Madrid?Sawiro

(23-2-2018) Maamulka Macalimiinta iyo qaar ka mid ah Cayaartoyda  kooxda kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa kulan ...

Isku Aadka Wareega 16 ka ee koobka UEFA Europa League iyo Kooxo waa weyn oo isku dhacay

(23-2-2018) Waxaa Maanta lasameeyey isku aadka koobka UEFA Europa League wareegiisa 16 ka waxaana isku soo beegmay kooxo waa ...

Liiska kooxaha u soo baxay Wareega 16 ka koobka Europa League iyo kuwa kaharay?

(23-2-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Liiska kooxaha qaarada yurub ee xaqiijiyey in ay u soo bexeen Wareega ...

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Cayaar katirsan koobka Europa League+Sawiro

(23-2-2018) Waxaa Rabshado aad u xoog badan ka dheceen Cayaar kutirsanayd koobka UEFA Europa League oo dhex martay kooxaha ...

Daawo sawirada Tababarkii Chelsea oo isku diyaarineysa kulanka Manchester United

(23-2-208) Kooda Kubada cagta Chelsea ayaa Samaysey tababar adag oo ay ugu diyaar garoobayaan cayaarta ay Axada wajihi ...

Sergio Ramos oo u dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee uu Real Madrid u dheelo

(23-2-2018) Daafaca kooxda kubada cagta Real Madrid Sergio Ramos ayaa siweyn ugu dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee ...

Sergi Roberto oo heshiis cusub oo qaali ah u saxiixay Barcelona+Sawiro

(22-2-2018) Daafaca garabka ka Cayaara ee kooxda Barcelona Sergi Roberto ayaa ugu danbayn heshiis cusub lagaaray koodiisa isaga ...