Saturday, February 24th, 2018

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Ronaldo iyo Real Madrid oo Rafaadiyey Naadigii Neymar

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-2-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa iska ridday culayskii saarnaa kaddib markii ay 3-1 kaga takhalustay Paris Saint Germain oo ay isku haleeleen garoonka Santiago Bernabeu.

Ciyaartan oo dad faro badan ay ka daawanayeen shabakadda Cadalool, ayaa waxa garoonka fadhiyey 78,158 qof, kuwaas oo wakhti hore kuraasta qabsaday si ay goob joogo ugu ahaadaan waxa ka dhacaya garoonka.

Real Madrid ayaa laga nixiyey bilowgii ciyaarta, waxaana weerarro is-daba joog ah ku qaaday Neymar, Cavani iyo Mbappe, kuwaas oo marba dhinac kaga imanayey, hase yeeshee, Real Madrid ayaa iyaduna heshay fursado dhawr ah oo qaybta hore uu ka khasaariyey Ronaldo.

Daqiiqaddii 33aad ayaa ay ciyaartu jewi kale yeelatay, markaas oo laacibka khadka dhexe ee Rabiot uu PSG u dhaliyey gool, kaas oo ku yimid kubbad uu Nacho kasoo difaacay Neymar oo goolka Madrid hortiisa ah.

Damaashaad iyo niyad-jab taageereyaasha Real Madrid ku yimid daqiiqado kooban, waxa mar kaliya lagu waaberiistay sawaxanka iyo siidhiga garsooraha oo tilmaamay rikoodhe kaddib khalad lagu galay Toni Kroos oo kubadda la galay diilinta goolka PSG, waxaana loo dhigay rikoodhe, kaas oo sidii dhaqanka u ahayd uu Cristiano Ronaldo dul istaagay, kaddibna baasha bidix ee goolka uu darbo xoog badan ku hubsaday shabaqa.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay 1-1, waxaana ay u baxeen talo iyo taakulo wixii ay tababareyaashoodu uga baahnaayeen, kaddibna garoonka ayaa ay dib ugu soo laabteen iyadoo niyadda PSG ay ka wanaagsan tahay ta Real Madrid maadaama ay gool ku dhalisay garoonka Santiago Bernabeu.

Tababare Zinedine Zidane ayaa daqiiqaddii 68 soo geliyey Gareth Bale waxaana baxay Karim Benzema oo ay ciyaartu ka jiiftay, waxaana ay taasi keentay in difaaca PSG ay dib u gurtaan.

Tababaraha PSG Unai Emerey ayaa isaguna daqiiqaddii 68aad waxa uu garoonka ka saaray Cavani oo culays badan ku hayey difaaca Madrid aadna ay uga baqayeen, waxaana uu kusoo beddelay difaaca midig ee Thomas Meunier, isagoo weerarka geeyey Dani Alves oo lambarka labaad ka ciyaarayey.

Isbeddelladan ay sameeyeen labada macallin ayaan ciyaarta ku keenin saamayn muuqata, waxaana markaas kaddib go’aan kale qaatay Zidane oo garoonka ka saaray Casemiro iyo Isco oo uu kusoo beddelay Vazquez iyo Asensio, kuwaas oo sida daadka ugu yaacay PSG.

Xiddiga garoonka oo ahaa Asensio laga soo bilaabo daqiiqaddii 79aad oo uu ciyaarta beddel kusoo galay, waxa uu kubbad dhiibis, orod iyo farsamo sarraysa ku kala daadiyey dhexda iyo difaaca PSG oo markii hore ay mari waayeen Ronaldo iyo asxaabtiisu.

Daqiiqaddii 83aad ayaa kubbad uu Asensio kasoo dhiibay dhinaca bidix, waxa shabaqa dhex dhigay Cristiano Ronaldo, kaas oo sidiisii ugu damaashaaday garoonka dhexdiisa, hase yeeshee

MATCH FACTS, PLAYER RATINGS AND MATCH ZONE

Real Madrid: Navas, Nacho, Varane, Ramos, Marcelo, Modric, Casemiro (Vazquez 79′), Kroos, Isco (Asensio 79′), Benzema (Bale 68′), Ronaldo,

Substitutes: Casilla, Hernandez, Hakimi, Asensio, Kovacic

Booked: Nacho, Isco

Goal: Ronaldo 45′, 83′, Marcelo 86′

PSG: Areola, Alves, Marquinhos, Kimpembe, Berchiche, Verratti, Lo Celso (Draxler 84′), Rabiot, Mbappe, Cavani (Meunier 66′), Neymar

Substitutes: Trapp, Silva, Di Maria, Diarra, Draxler, Pastore

Booked: Neymar, Le Celso, Rabiot, Meunier

Goal: Rabiot 33′

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan

(24-2-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa laga dheeli doonaa qaarada yurub Cayaaro aad u xiiso badan oo ku tirsan ...

Arsene Wenger weligiis kuma Guuleysan League Cup balse ogoow inta koob ee kale ee uu qaaday?Sawiro

(24-2-2018) Macalinka Arsenal Arsene Wenger oo Axada soo socota kooxdiisu dheeli doonto Finalka koobka League Cup ayaan weligiisa ...

Cayaaryahan Caan ah oo 17 bilood Garoomada Kubada cagta laga Ganaaxay?

(24-2-2018) Mid ka mid ah Cayaartoyda ugu caansan Caalamka isla Markaana dheelayey koobka iyo koobab kale oo waa ...

Diayaarad uu saarnaa Pep Guardiola oo mudo dheer la xayiray kadib markii laga shakiyey?

(24-2-2018) Warar ay daabaceen warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in mudo Saacadao ah laxayiray diyaarad qaas oo uu lasocdey ...

Cayaartoy Muhiim ah oo Real Madrid ka maqnaan doona Kulanka Alaves?

(24-2-2018) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo odobaadkaan soo Ciriirsatay kaalinta 3 aad ee Horyaalka La Liga ayaa ...

Jose Mourinho oo si layaab leh uga hadlay Xaalada Paul Pogba?

(24-2-2018) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester United Jose Mourinho oo shir Jaraa id qabtay Jimcihii ayaa ka hadlay ...

FIFA oo Go aan ka Gaartay dawadii u dhaxaysey Neymar iyo Barcelona?

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa Go aan kama dambays ah ka gaaray dacwadii u dhaxaysey ...

Xiriirka FA ga oo Cadeeyey in Pep Guardiola uu Ganaax ku muteysan doono Calaamada Jaalaha ah ee uu Jaakadka ku dhegsado Sabab?Sawiro

(23-2-2018) Xiriirka kubada cagta dalka England ee Magaciisa loosoo gaabiyo FA ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Macalinka Manchesgter ...

Kooxda PSG oo kulan isugu yeertay Horjoogayaasha Taageerayaasheda kalana hadashay Cayaarta Real Madrid?Sawiro

(23-2-2018) Maamulka Macalimiinta iyo qaar ka mid ah Cayaartoyda  kooxda kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa kulan ...

Isku Aadka Wareega 16 ka ee koobka UEFA Europa League iyo Kooxo waa weyn oo isku dhacay

(23-2-2018) Waxaa Maanta lasameeyey isku aadka koobka UEFA Europa League wareegiisa 16 ka waxaana isku soo beegmay kooxo waa ...

Liiska kooxaha u soo baxay Wareega 16 ka koobka Europa League iyo kuwa kaharay?

(23-2-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Liiska kooxaha qaarada yurub ee xaqiijiyey in ay u soo bexeen Wareega ...

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Cayaar katirsan koobka Europa League+Sawiro

(23-2-2018) Waxaa Rabshado aad u xoog badan ka dheceen Cayaar kutirsanayd koobka UEFA Europa League oo dhex martay kooxaha ...

Daawo sawirada Tababarkii Chelsea oo isku diyaarineysa kulanka Manchester United

(23-2-208) Kooda Kubada cagta Chelsea ayaa Samaysey tababar adag oo ay ugu diyaar garoobayaan cayaarta ay Axada wajihi ...

Sergio Ramos oo u dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee uu Real Madrid u dheelo

(23-2-2018) Daafaca kooxda kubada cagta Real Madrid Sergio Ramos ayaa siweyn ugu dabaal degay Kulankiisii 550 aad ee ...

Sergi Roberto oo heshiis cusub oo qaali ah u saxiixay Barcelona+Sawiro

(22-2-2018) Daafaca garabka ka Cayaara ee kooxda Barcelona Sergi Roberto ayaa ugu danbayn heshiis cusub lagaaray koodiisa isaga ...