Wednesday, November 14th, 2018

Shan Sababood oo Luka Modric ku kalifeysa in uu katago Real Madrid iyo Rajada in uu sii joogo oo yaraaneysa

Published on August 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-8-2018) Cayaaryahanka xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa shalay dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa kadib markii uu fasax dheeraad ah ka qaatay in xulka qarankiisa uu la soo gaadhay finalkii koobka aduunka laakiin fasax ka soo laabashadiisa waxaa hadheeyay xiisaha iyo dalabka uga yimid kooxda Inter Milan.

Maanta oo khamiis ah waxaa balansan madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez iyo Luka Modric iyaga oo markii ugu horaysay ka wada hadli doona go’aankiisa ku aadan dalabka Inter Milan waxayna wararku sheegayaan in Madric uu Perez u sheegi doono rabitaankiisa uu ku doonayo in uu kooxda ka baxo isla markaana uu Inter Milan ku biiro.

Waxaa sidoo kale jira warar cusub oo soo baxay kuwaas oo ay Real Madrid ku doonayso in ay Luka Modric u soo bandhigto heshiis cusub kaas oo mushaarkiisa sare loogu qaado si meesha looga saaro in sababa dhaqaale ay kooxda ka saaraan.

Inter Milan ayaa Luka Modric u soo bandhigtay dalab lix sano ah oo uu ku qaadanayo 60 milyan euros taas oo la micno ah in ilaa 38 sano jirkiisa uu sanadkiiba qaadan doono 10 milyan euros halka uu hadda Real Madrid ka qaato 6.5 milyan euros waana farqi wayn oo dhaqaale oo u dhexeeya xaaladiisa hadda iyo dalabka Inter Milan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shan sababood oo Luka Modric ku riixaya in uu ku biiro Inter Milan isla markaana uu ka bixi karo kooxdiisa Real Madrid halkan ayaanad kaga bogan kartaa qodobadan oo faah faahsan.

1- Dalabka Inter Milan Oo Lama Diidaan Ah:

Qorshaha dalabka Inter Milan ayaa ah mid cajiib ah kaas oo Luka Modric ku qasbay in uu dib uga fikiro jacaylkii uu u qabay kooxdiisa Real Madrid. Ugu horayn Inter Milan ayaa boqolkiiba 54% sare u qaaday mushaarka uu hadda Modric ka qaato Real Madrid iyada oo ka dhigtay 10 milyan euros oo ayna cashuurtu ku jirin waana dalab dhaqaale ahaan aad u soo jiitay xidiga ree Croatia.

Mar laabadka Inter Milan oo adeegsanaysa mulkiilyaasheeda ree China ayaa dhigay dabin kale oo Modric indho sarcaad loogu sameeyay waxayna siiyeen fursada uu laba sano kaga soo ciyaari karo China isaga oo ah 37 iyo 38 sano jir isla markaana uu wali sii qaadan karo mushaar 10 milyan euros ah sanadkiiba.

Waxayna Inter Milan Modric u dabaanad qaaday in ilaa sanadka 2024 isaga oo 38 sano jir ah uu qaadan karo mushaar ka badan inta uu hadda oo uu xoog yahay ka qaato Real Madrid, waana sabab wayn oo xidiga ree Croatia ku qasbaysa in uu fursadn qaato.

2- Da’diisa Waynaatay Iyo Saamaynta Ay Yeelan Karto.

Caadiyan kooxaha waa wayn ee Yurub marka uu ciyaartoygu gaadho 33 sano jir waxaa hubaal ah in muhiimadii la siin jiray ay hoos u dhacdo wuxuuna Modric 33 sano jir noqon doonaa bisha soo socota ee September taas oo keenaysa in uu ka fikiro mustaqbalkiisa kubbada cagta ee kadib waayihiisa Real Madrid.

Luka Modric oo soo qaatay waayo ciyaareed oo aad u fiican ayaa sanadkan haysta fursad uu abaal marinta xidiga ugu fiican aduunka ugu guulaysan karo kadib markii uu kooxdiisa Madrid ku soo hogaamiyay Champions League isla markaana uu xulkiisa Craotia soo gaadhsiiyay finalka kooka aduunka.

Laakiin saamaynta qodobka labaad ee Madrid ka saari kara ayaa ah in uu hadda ka fikiri karo in waqtigiisii ugu fiicnaa ee kubbada cagta uu soo qaatay isla markaana uu koox kale ku biiro inta aanu si wayn hoos ugu dhicin qaab ciyaareedkiisu.

3- Koobakii Uu Kula Soo Guulaystay Real Madrid Iyo In Uu Tartan Kale Raadsado

Luka Modric ayaa Real Madrid kula soo guulaystay koob kasta oo heerka kooxeed ah, laakiin wali waxa uu xambaarsan yahay hamiga ah in uu koobab kale ku guulaysto balse taasi uma xamaasad badna sidii uu ahaa markii uu Madrid ku soo biiray wuxuuna hadda ka fikirayaa in tartan cusub iyo koobab kale oo koox kale uu la qaadaa ay farxadiisa iyo waayihiisa sii qurxin karto.

Markasta oo uu ciyaartoy ku wada guulaysto koobabka suurtogalka ah ee ay kooxdiisu qaadi karto waxaa hubaal ah in ay hoos u dhacayso hamigii iyo xiisihii uu qabay wuxuuna jecel yahay in uu markale bilaabo tartan cusub iyo xiiso cusub oo dhiiro galin siin kara.

4- Saamaynta Bixitaankii Cristiano Ronaldo Iyo Zinedine Zidane Ee Real Madrid:

Bixitaankii Cristiano Roanldo iyo Zinedine Zidane ee Real  Madrid ayaa Luka Modric saamayn xoogan ku yeeshay isaga oo hore u sheegay in uu ka fikirayay in Ronaldo uu kooxda sii joogayo laakiin Modric oo si wayn horumar ugu soo hoos sameeyay Zidane ayaa arkay labadii xubnood ee kooxdiisa Madrid ugu muhiimsnaaa oo 40 maalmood gudahood kooxda ka wada baxay.

Bixitaankii Zidane iyo Ronaldo waxay Modric ku qasbeen in uu fikiro waxaana la fahansan yahay in uu wakiiladiisa ku wargaliyay hamigiisa taas oo keentay in ay xidhiidh la sameeyaan kooxda Inter Milan oo iyaduna sun u soo qooshtay Real Madrid.

5- In Uu Dariiqa Ronaldo Maro Oo Uu Ka Wada Ciyaaro Premier league, La Liga Iyo Serie A.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu tartan cusub ugu biiray kooxda Juventus kadib markii uu ka soo ciyaaray Premier league iyo La Liga laakiin Modric ayaa isla dariiqan mari kara kadib markii uu isku soo muujiyay Premier league oo uu Tottenham uga soo ciyaaray iyo La Liga oo uu haddaba ka tirsan yahay Real Madrid.

Modric ayaa dareensan in ay jirto fursad uu kaga ciyaari karo horyaalka Talyaaniga si uu markale halkaas taariikh uga samayn karo laakiin wax walba waxay ku xidhanaan doonaan halka uu Perez iska taago go’aankiisa marka ay maanta oo khamiis ah kulan yeeshaan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cayaaryahan La Toogtay Oo Illaahay Ka Badbaadiyey Xabbad Gaadhigiisa Ka Dhex-baxday Oo Ka Sheekeeyey Sidii Wax U Dhaceen

(15-11-2018) Kubadda cagta marar badan ayay ka dhacdaa in qaab shirqool ah loo dilo ciyaartooyo, waxaase inta badan ...

Wayne Rooney Oo Markii Ugu Dambaysay Xidhanaya Calaamadda Kabtanka Xulka Qaranka England

(15-11-2018) Cayaartoyga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa xidhan doona calaamadda kabtanka iyo ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Naadi ee bixiya nushaarka Sanadlaha ah ee ugu badan qaarada yurub

(15-11-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo Sawirada 10 ka kooxood ee kubada cagta isla markaana bixiya ...

Nolosha Qarsoon: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?

(15-11-2018) Cayaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, ...

Chelsea Oo Kooxaha Ingiriiska Ka Dalbatay In Lasoo Ururiyo Lacag 5 Milyan Ah – Maxay Ku Falaysaa, Yaase Lasiinayaa?

(15-11-2018) Dhamaan labaatanka kooxood ee ka tirsan horyaalka Premier League ayaa laga dalbaday inay soo ururiyaan lacag gaadhaysa ...

Kaddib Xukunkii Argagixisada, Halyeygii Reer Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Xukun Kale Lagu Riday

(15-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Masar, Mohamed Aboutrika ayaa lagu riday xukun maskamadeed oo jeelka loogu taxaabayo, ...

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...