Wednesday, November 14th, 2018

Saadaasha qabiirada Kubada Cagta kooxda ku Guuleysan doonta Premier League xiligaan?

Published on August 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-8-2018) Khubarada kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee ka shaqeeya warbaahinta kala duwan ee BBC, ayaa saadaaliyey booska ay kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ka geli doonaan tartanka Premier League ee Jimcaha bilaabmaya.

24 khabiir oo ku takhasusay kubadda cagta oo hore wacdaro uga soo dhigay garoomada ayaa waxay faaqidaad dhamaystiran ku sameeyeen lixda kooxood ee waaweyn ee dalka Ingiriiska ee horyaalka sannadkan ku tartami doona, waxaanay isku waafaqeen intooda badan in horyaalka ay sannadkan markii labaad oo xidhiidh ah ku guuleysan doonto Manchester City oo xili ciyaareedkii tegay 19 dhibcood iyadoo ka horreysa kooxda kusoo xigta ku guuleysatay horyaalnimada.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxda kula dagaallamaysa horyaalka Man City, waxaana aakhirka kooxda Klopp loo tuuri doonaa kaalinta labaad, balse naadiga ugu liidanaya xili ciyaareedkan ayaa ah Arsenal oo sida khubradu saadaaliyeen ka hadhi doonta tartanka Champions League, kuna dhamaysan doonta kaalinta lixaad.

Tababare Pep Guardiola oo saddexda horyaal ee LaLiga iyo Bundesliga hore ugu soo guuleystay wakhtiyadiisii Barcelona iyo Bayern Munich ayaa waxa uu markii labaad oo xidhiidh ah doonayaa inuu Premier League qaato, waxaanay u badan tahay in aanay kooxuhuna ka ridan karin oo uu cidlo u yaallo.

Barcelona ayuu Guardiola tababare u ahaa sannadihii iu dhexeeyey 2008-2011, wakhtigii Bayern Munich ayaa isaguna ahaa 2013-2016, hayaankiisa Manchester City ayaana markaas kaddib bilaabmay.

Jurgen Klopp, Jose Mourinho, Maurico Pochettino, Walter Sarri iyo Unai Emery ayay u taallaa hawl adag oo ah inay halgan la galaan Guardiola si ay uga dhacsadaan horyaalnimada oo koox kale loo cumaamado sannadkan, si tartanku u noqon karo mid furan oo dhex yaalla kooxaha waaweyn oo dhan.

Haddaba, khubarada ciyaaraha ee BBC oo tiradoodu tahay 24 ayaa waxay 21 ka mid ah isku raaceen in horyaalka ay ku guuleysanayso Manchester City,  hase yeeshee, saddex khabiir oo kale ayaa kasoo horjeedsaday oo Liverpool u saadaaliyey. Saddexda Reds u cumaamaday horyaalnimada waxay kala yihiin Halyeygii Arsenal ee Ian Wright, Xiddigii kooxaha AC Milan iyo Chelsea ee reer Holland Ruud Gullit iyo lama-taabtaankii Arsenal ee Martin Keown.

Manchester United, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal may helin hal cod oo sheegaya inay horyaalka ku guuleysan karayaan, hase yeeshee waxa kaga sii daran in dhamaan khubaradu marka laga reebo afar ay isku waafaqeen in Liverpool kaalinta labaad leedahay, halka United uu hal khabiir oo kaliya oo ah Dion Dublin uu kaalinta labaad u saadaaliyey.

20 khabiir ayaa isku raacay in Liverpool kaalinta labaad leedahay, laakiin kaalinta saddexaad ayay isku-soo dhowaadeen Manchester United iyo Tottenham, waxaana akhirkii codadka ugu badan heshay kooxda tababare Jose Mourinho oo saddexaad ku dhamaysan doonta.

Tottenham ayaa geli doonta kaalinta afraad oo tartanka Champions League usoo bixi doonta, balse Chelsea iyo Arsenal ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka hadhi doona horyaalka naadiyada Yurub ee UEFA Champions League, waxaanay ka ciyaari doonaan Europa League xili ciyaareedka dambe.

Sidan ayay kooxuhu u kala horreyn doonaan:

 

  1. Man City 2. Liverpool 3. Man Utd         4. Tottenham     5. Chelsea           6. Arsenal

Saadaashan ay khubradu sameeyeen waxay iyadoo aanu horyaalkuba bilaabmin niyad jab ku noqonaysaa jamaahiirta kooxaha Arsenal, Chelsea oo tababareyaal cusub hoggaamin doonaan xili ciyaareedkan, laakiin dhibaatada ugu badan ayaa waxay gaadhi doontaa Manchester United oo tababare Jose Mourinho uu shaqadiisa waayi doono haddii uu ku dhamaysto halka saadaashu sheegayso.

Halkan ka akhri sida khubradu u saadaalisay boosaska ay kala gelayaan lixda kooxood ee waaweyn:

Saadaaliye           1aad      2aad      3aad      4aad

Ian Wright           Liverpool             Man City              Man Utd              Arsenal

Ruud Gullit          Liverpool             Man City              Chelsea                Man Utd

Martin Keown   Liverpool             Man City              Tottenham         Man Utd

Dion Dublin         Man City              Man Utd              Liverpool             Tottenham

Alex Scott            Man City              Liverpool             Man Utd              Arsenal

Joleon Lescott   Man City              Liverpool             Man Utd              Arsenal

Mark Lawrenson              Man City              Liverpool             Man Utd              Arsenal

Matthew Upson               Man City              Liverpool             Man Utd              Arsenal

Alan Shearer      Man City              Liverpool             Man Utd              Tottenham

Danny Murphy  Man City              Liverpool             Man Utd              Tottenham

Pat Nevin            Man City              Liverpool             Man Utd              Tottenham

Lindsay Johnson               Man City              Liverpool             Man Utd              Tottenham

Charlie Adam     Man City              Liverpool             Man Utd              Tottenham

Danny Mills         Man City              Liverpool             Man Utd              Chelsea

Mark Schwarzer               Man City              Liverpool             Man Utd              Chelsea

Rachel Brown-Finnis       Man City              Liverpool             Chelsea                Tottenham

Sue Smith            Man City              Liverpool             Chelsea                Tottenham

Paul Ince              Man City              Liverpool             Chelsea                Man Utd

Kevin Kilbane     Man City              Liverpool             Chelsea                Man Utd

Stephen Warnock            Man City              Liverpool             Chelsea                Man Utd

Jermaine Jenas Man City              Liverpool             Tottenham         Man Utd

Chris Sutton       Man City              Liverpool             Tottenham         Man Utd

Chris Waddle     Man City              Liverpool             Tottenham         Chelsea

Leon Osman       Man City              Liverpool             Tottenham         Arsenal

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cayaaryahan La Toogtay Oo Illaahay Ka Badbaadiyey Xabbad Gaadhigiisa Ka Dhex-baxday Oo Ka Sheekeeyey Sidii Wax U Dhaceen

(15-11-2018) Kubadda cagta marar badan ayay ka dhacdaa in qaab shirqool ah loo dilo ciyaartooyo, waxaase inta badan ...

Wayne Rooney Oo Markii Ugu Dambaysay Xidhanaya Calaamadda Kabtanka Xulka Qaranka England

(15-11-2018) Cayaartoyga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa xidhan doona calaamadda kabtanka iyo ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Naadi ee bixiya nushaarka Sanadlaha ah ee ugu badan qaarada yurub

(15-11-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo Sawirada 10 ka kooxood ee kubada cagta isla markaana bixiya ...

Nolosha Qarsoon: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?

(15-11-2018) Cayaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, ...

Chelsea Oo Kooxaha Ingiriiska Ka Dalbatay In Lasoo Ururiyo Lacag 5 Milyan Ah – Maxay Ku Falaysaa, Yaase Lasiinayaa?

(15-11-2018) Dhamaan labaatanka kooxood ee ka tirsan horyaalka Premier League ayaa laga dalbaday inay soo ururiyaan lacag gaadhaysa ...

Kaddib Xukunkii Argagixisada, Halyeygii Reer Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Xukun Kale Lagu Riday

(15-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Masar, Mohamed Aboutrika ayaa lagu riday xukun maskamadeed oo jeelka loogu taxaabayo, ...

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...