Wednesday, November 14th, 2018

Boqorka Kubadda Cagta PELE Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Premier League

Published on August 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-8-2018) Halyeeyga ree Brazil ee Pele ayaa kaddib markii uu si rasmi ah u furmay xilli ciyaareedka Premier League ee 2018-2019 waxa uu horyaalka sanadkan u saadaaliyay kooxda Liverpool balse jamaahiirta Reds ayaa durtaba ka wer wersan in Pele uu kooxdooda horyaalka u gacan galiyay.

Reds ayaa horyaalka ka soomanaa mudo dheer iyadoo markii ugu dambaysay ee ay hanteen ay ahayd xilli ciyaareedkii 1989-1990 kahor intii aan loo bixin magaca Premier League, Pele ayaa saadasha uu Liverpool ku siinayo horyaalka sanadkan taageero gaar ah u muujiyay xiddigaha dalkiisa ee Roberto Firmino iyo Alisson Becker.

Halyeey Pele ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay saadaashiisa xilli ciyaareedka, Qoraalka Pele ee Twitter-ka ayaa u dhignaa sida tan “Maanta waa bilawga Premier League, Yaad u malaynaysaa inuu ku guuleysan doono? Waxaan filayaa inay tahay sanadkii Liverpool, Alisson iyo Firmino”

Haddaba, Jamaahiirta Reds ayaa saadaashaas halyeeyga ree Brazil uu horyaalka ku siiyay kooxdooda kaliya u arki kara habaar maadaama oo Pele uu Rekoodh aad u xun ka haysto saadalihii hore ee uu kasoo dhiibtay tartamada kala duwan ee kubadda cagta.

Rekoodhka madaw ee uu Pele ka haysto saadaasha ayaa bilaabmay mudo kahor kaddib markii uu saadaaliyay in xul African ahi uu ku guulaysan doono koobka aduunka kahor sanadka 2000, Si lamid ah Pele ayaa xiddiga badali doona u saadaaliyay Nil Lamptey walow uu ugu dambayn noqday mid falaago ah (Flop).

Si lamid ah Pele ayaa koobkii aduunka ee sanadkii 2002 saadaaliyay in xulalka France iyo Argentina ay iskugu iman doonaan Final-ka tartankaas balse labada xulka lagu reebay wareega koowaad isla markaana xulka dalkiisa ee Brazil uu kusoo guulaystay tartankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Jamaahiirta kooxda Liverpool iyo cid kasta oo danaysa Reds ayaan ku farxi doonin saadaasha uu Pele u saadaaliyay kooxdoodu inay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan maadaama oo uu rekoodh iyo taariikh aan fiicnayn ku leeyahay dhinaca saadaasha.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cayaaryahan La Toogtay Oo Illaahay Ka Badbaadiyey Xabbad Gaadhigiisa Ka Dhex-baxday Oo Ka Sheekeeyey Sidii Wax U Dhaceen

(15-11-2018) Kubadda cagta marar badan ayay ka dhacdaa in qaab shirqool ah loo dilo ciyaartooyo, waxaase inta badan ...

Wayne Rooney Oo Markii Ugu Dambaysay Xidhanaya Calaamadda Kabtanka Xulka Qaranka England

(15-11-2018) Cayaartoyga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa xidhan doona calaamadda kabtanka iyo ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Naadi ee bixiya nushaarka Sanadlaha ah ee ugu badan qaarada yurub

(15-11-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo Sawirada 10 ka kooxood ee kubada cagta isla markaana bixiya ...

Nolosha Qarsoon: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?

(15-11-2018) Cayaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, ...

Chelsea Oo Kooxaha Ingiriiska Ka Dalbatay In Lasoo Ururiyo Lacag 5 Milyan Ah – Maxay Ku Falaysaa, Yaase Lasiinayaa?

(15-11-2018) Dhamaan labaatanka kooxood ee ka tirsan horyaalka Premier League ayaa laga dalbaday inay soo ururiyaan lacag gaadhaysa ...

Kaddib Xukunkii Argagixisada, Halyeygii Reer Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Xukun Kale Lagu Riday

(15-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Masar, Mohamed Aboutrika ayaa lagu riday xukun maskamadeed oo jeelka loogu taxaabayo, ...

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...