Tuesday, November 13th, 2018

Daawo: Barcelona oo ku Guuleysatay Super Cupka Spain

Published on August 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-8-2018) Kooxda Barcelon ayaa ku guulaystay koobka Spanish Super Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Sevilla oo fursad wayn iska lumisay. Sevilla ayaa markale dhibane u noqotay Barcelona waxayna kooxda Valverde xili ciyaareedka cusub ku furatay Spanish Super Cupka.

Gerard Pique ayaa Barcelona ciyaarta dib ugu soo celiyay kadib markii ay Sevilla gool ku martay bilawgii kulankan laakiin Ousmane Dembele ayaa gool gantaal aan la rumaysan karin kaga yaabsaday Sevilla balse dhamaadkii ciyaarta Sevilla ayaa islka lumisay rekoodhe lagu abaal mariyay waxaana ka beeniyay Ter Stegen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Sevilla XI (3-4-2-1): Tomas Vaclik; Sergi Gomez, Simon Kjaer, Gabriel Mercado; Sergio Escudero, Ever Banega, Roque Mesa, Jesus Navas; Pablo Sarabia, Franco Vazquez; Luis Muriel

Kaydka: Juan Soriano, Ibrahim Amadou, Daniel Carrico, Nolito, Aleix Vidal, Wissam Ben Yedder, Andre Silva.

Barcelona XI (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Clement Lenglet, Gerard Pique, Nelson Semedo; Rafinha, Arthur, Sergio Busquets, Ousmane Dembele; Lionel Messi, Luis Suarez.

Kaydka: Jasper Cillessen, Samuel Umtiti, Juan Miranda, Ivan Rakitic, Philippe Coutinho, Arturo Vidal, Munir El Haddadi.

Barcelona iyo Sevilla ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ku bilawday finalka Spanish Super Cupka oo markii ugu horaysay loo badalay kulan final ah isla markaana markii ugu horaysay lagu qabtay meel ka baxsan dalka Spain waxaana finalka Spanish Super Cupka sanadkan lagu qabtay dalka Morocco ee waqooyiga Afrika.

Barcelona iyo Sevilla ayaa ciyaarta soo galay iyaga oo wata laba qorshe oo gabi ahaanba kala duwan balse wax isku mid ah lagu doonayay oo ah in ay guulaystaan. Sevilla ayaa la soo shirtagtay shax khadka dhexe u xoogan isla markaana difaacasho iyo weerar deg deg ah ku salaysan.

Laakiin Valverde ayaa ku soo shirtagay shaxda diamond-ta loo yaqaaan isaga oo doonayay in koobkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan cusub ay kooxdiisu ku guulaysato. Laakiin ciyaarta ayaa qaybtii hore ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxoodba dadaal badan ku soo bandhigeen.

DAQIIQADII 9 AAD Sevilla ayaa si deg deg ah ugu hormartay goolka furitaanka kadib markii uu Pablo Sarabia dhaliyay goolka riyada wayn u abuuray kooxdiisa Sevilla laakiin goolkan ayaa markii hore loo diiday ofside ahaan balse iyada oo muuqaal caawiyaha garsooraha VAR loo sii tijaabinayo La Liga ayaa la ogaaday in Pablo Sarabia aanu offside ku jirin waxaana Sevilla loo qoray goolka ay dhaliyeen waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sevilla markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Barcelona ayaa bilawday hawlgalo badan oo isdaba joog ah waxayna ku raadinaysay goolka barbaraha laakiin waxaa aad ugu adkayd in ay soo gaadho goolhayaha Sevilla iyada oo difaacu uu si adag u ilaalinayay xidigaha weerarka isla markaana ay kubbada aad iskaga fogaynayeen markasta oo ay soo gaadho.

Barcelona ayaa kubbad isku dhiibid badan, fursad raadin iyo waliba weerar dhisid waqti badan ku lumisay laakiin Sevilla ayaa marka ay kubbada hesho laba eer ama saddex jeer oo kaliya isku taabanaysay waxayna soo gaadhaysay dhinaca goolka Barca iyada oo mararka qaar halis badan abuuraysay.

DAQIIQADII 42 AAD Barcelona ayaa ugu danbayn la timid goolkeeda barbaraha waxaana u saxiixay Gerard Pique kadib markii uu ka faa’iideeyay kubbad looga xorta ahayd oo uu Lionel Messi birta ku garaacay isla markaana ku sii dhacday Vaclik, wuxuuna Pique goolkan dhaliyay waqti kooxdiisa muhiimad wayn u lahayd isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 44 AAD Sevilla ayaa aad ugu dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta soo ceshato kadib markii uu Sarabia kubbad fiican u bixiyay Muriel kaas oo darbo ku beegsaday goolka Barca laakiin Ter Stegen ayaa badbaadin wayn sameeyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Ernesto Valverde ayaa hal isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka soo galiyay Ivan Rakatic wuxuuna saaray Rafinha laakiin markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen ayuu Valverde markale kaydka uga yeedhay Ernesto Valverde isaga oo daqiiqadii 53 aad ciyaarta ka saaray Athur Melo.

Dhinaca Sevilla daqiiqadii 60 aad waxaa ciyaarta soo galay saxiixa cusub ee André Silva waxaana la saaray L. Muriel halka daqiiqadii 71 aad uu ciyaarta soo galay xidigii dhawaan Barca ka baxay ee Aleix Vidal wuxuuna badalay Pablo Sarabia.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay adag tahay in goolal layska dhaliyo laakiin Barca ayaa markan raadinaysay goolka laabad si ay soo laabashadeeda u dhamaystirto halka Sevilla ay difaacasho iyo weeraro deg deg ah xalka ku raadinaysay.

 

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...

XOG: Afar Arrimood Oo Madaxweynaha Real Madrid Ku Qasbi Doona In Santi Solari Loo Magacaabo Tababare Rasmi Ah

(12-11-2018) Santi Solari waxa uu sii wadaa natiijooyin wanaagsan oo uu ku kasban karo in si rasmi ah ...

Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

(12-11-2018)P ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Taako loo dhigay

Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku ...

Daawo: Manchester United oo qaadatay Casharada Pep Guardiola iyo David Silva

(12-11-2018) Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo dhulka lagu jiidey

(12-11-2018) Kooxda Barcelona aya guuldaro lama filaan ah kala kulanta kooxda Real Betis oo marti ugu ahayd gegida ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul daro Xanuun badan kala kulantay Atalanta

(11-11-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ayaa Guuldaro Xanuun badan kala kulantay Naadiga Atalanta waxaana looga badiyey 4-1. Inter Milan ...

Kulamada Super Sunday Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(11-11-2018) Waxaa Maanta oo axad ah lacayaari doonaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaana iska hor imaan doona kooxo ...

Taageerayaasha AC Milan oo soo bandhigay qorsha ay ku qaabili doonaan Leonardo Bonucci

(11-11-2018) Kulan adag ayaa ka dhici doona Garoonka San Siro ee Magaalada ,Milano kaas oo dhex mari doona ...

Alexandre Pato oo iska fogeeyey in uu ku soo laaban doono AC Milan

(11-11-2018) Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa beeniyey Warar dhawaan soo baxay oo sheegayey in uu ku ...