Thursday, December 13th, 2018

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

Published on November 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala soo kulmeen kulankii ugu danbeeyay ee Real Betis laakiin waxa walwalka ugu wayn ku haya jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa ah in kulanka soo socdaa uu yahay mid ka sii adag kulankii Real Betis.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid oo ay hal dhibic oo kaliya ka sareeyaan marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah, waxayna Barcelona sidoo kale hal dhibic ka saraysaa kooxda Sevilla taas oo la micno ah in Barcelona ay hogaanka lumin karto haddii ayna Atletico Madrid guul ka gaadhin.

Barcelona ayaa 5-1 ku xasuuqday Real Madrid laakiin kulankii ku xigay ee Rayo Vallecano waxay waqtigii dhamaadka ciyaarta dirqi kaga badbaadeen guuldaro iyaga oo waliba si layaableh guul aan markii hore la filayn u soo gaadhay.

Balse kulankii Camp Nou ee Real Betis oo la filayay in soo laabashadii Lionel Messi ay wax badan badalayso, waxay Barcelona soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii kooxdeeda ugu xumaa waxayna Real Betis awooday in ay soo gaba gabaysay rekoodhkii 42ka kulan ee ayna Barca guuldarada kula soo kulmin Camp Nou ee horyaalka La liga.

Haddaba maxay yihiin Afar waxyaabood ee ay Ernesto Valverde waajibka ku tahay in uu sameeyo si uu u xaliyo dhibaatada kooxdiisa Barcelona ee ka hor kulanka adag ee Atletico Madrid?. Jawaabta su’aashan waxaad kaga bogan kartaa afarta qodob ee hoose.

4- In Ernesto Valverde Oo Su Deg Deg Ah Xal Ugu Helo Musiibada Difaaca Kooxdiisa Ee Kulamadii Ugu Danbaysay?

Barcelona waxay si cad ugu dhibtootay kulankii Real Betis iyada oo waliba difaac ahaan u noqotay koox aan waxba joojin karin, waxayna Real Betis awooday in ay Camp Nou ku dhalisay 4 gool waana markii ugu horaysay waqti aad u dheer ee ay kooxi Camp Nou goolal sidan u badan ku dhalisay, waana sabab cadaynaysa liidashadii difaaca Barcelona.

Gerard Pique, Clement Lenglet, Sergi Roberto iyo Jordi Alaba waxay dhamaantood ku soo dhibtoodeen weerarkii deg dega ahaa ee Real Betis, waxayna awoodi kari waayeen in ay kala dhex galaan ciyaartoyda weerarka ee Betis taas oo keentay fashilkii Blaugrana.

Laakiin Valverde ayaa rajaynaya in Samuel Umtiti oo kaydka fadhiyay kulankii Real Betis isla markaana uu halis kala fogaaday in uu taam buuxa u noqon doono kulanka Atletico Madrid taas oo la filayo in ay wax badan xalin karto.

Samuel Umtiti waxa uu tan iyo markii uu Camp Nou yimid noqday xubin muhiim ah oo difaaca Barcelona shaqo badan ka soo qabtay laakiin dhaawicii soo gaadhay iyo muddadii badnayd ee uu maqnaa ayay suurtogal tahay in ay hoos u dhigto saamaynta uu markiiba kooxda ku yeelan karo..

Samuel Umtiti waxa uu haystaa waqtiga kulamada caalamiga ah in uu si xoogan uga shaqeeyo taam ahaanshihiisa buuxa taas oo Valverde iyo jamaahiirta kooxdiisa Barcelona kalsooni wayn siin karta kulanka Atletico, waana suurtogalnimo wayn oo ay Barca ku sixi karto dhaliisha difaaca kooxdeeda.

labada Qodob Ee Kale ka akhriso boggaga 2-aad iyo 4-aad.

3-Buuxin Booska Uu Coutinho Ka Dhaawacmay

Kulankii Real Betis waxaa Barcelona dhaawac kaga maqnaa Philippe Coutinho oo door fiican kooxda uga sii ciyaaray kulamadii uu Lionel Messi dhaawaca ku maqnaa laakiin Valverde ayaa shaxdiisa kulankii Betis waxa uu ku soo bilaabay Malcom kaas oo si buuxda ugu fashilmay in uu shaqadii Coutinho qabto.

Iyada oo Dembele uu ka manqaa liiska Barcelona ee kulankii Real Betis, waxaa loo arkayay in ay tahay waqtigii Malcom uu isku muujin lahaa maaliyada Barcelona ee uu u dagaalami lahaa booskiisa laakiin waxa uu noqday mid muuq beelay oo waxma tare noqday.

Fashilkii Barcelona waxaa ka mid ahaa shaqo xumadii Malcom ee booskii Coutinho, laakiin Valverde ayaa u baahan in kulanka adag ee Atletico Madrid uu si fiican u buuxiyo booskii Coutinho iyada oo Dembele hadda yahay xidiga ugu dhaw ee booskan buuxin kara.

Laakiin Valverde ayaa haysta Rafinha iyo Denis Suarez oo ka ciyaari kara booska uu Coutinho ka dhaawacan yahay inkasta oo Dembele yahay midka ugu soo horeeya ee booskan buuxin doona haddii aanu Valverde sii wadan ciqaabta uu ugu cadhaysan yahay in Dembele uu caadaystay in uu soo daaho.

Inkasta oo Atletico Madrid ay lafteedu la dhibtoonayso dhaawacyo iyo taam ahaansho la’aan ciyaartoyda kooxdeeda ku soo habsatay, haddana kooxda Deigo Simeone ayaa dagaal xoogan u gali doonta in ay Barcelona xaalada ku adkayso iyada oo Valverde uu waqti horeba sii bilaabi doono inuu kulankan ka sii shaqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, qaabka uu u buuxiyo booska Coutinho dhaawaca kaga maqan yahay ayaa saamayn xoogan ku yeelan doonta rajada ay Barcelona ka qabto in ay guul ka gaadho Atletico Madrid.

2-Ciyaartoyga Uu Valverde Ku Buuxin doono Booska Ivan Rakatic uu Ganaaxa Kaga Maqnaan Doono.

Barcelona kamay murugaysnayn oo kaliya guuldaradii Real Betis balse waxay sidoo kale ka cadhaysnayd kaadhkii casaa ee loo taagay Ivan Rakatic kaas oo ganaax ku maqnaan doona kulanka muhiimka ah ee Atletico Madrid.

Valverde ayaa imtixaan kale ku wajihi doona qaabka uu u buuxin doono booskii Ivan Rakitic kaas oo aan wax fursad ah u haysan in uu safto kulanka Atletico Madrid wuxuuna Valverde haystaa doorashooyin kooban oo uu ku xalin karo maqnaanshaha Rakatic.

Valverde ayaa kulamadii ugu danbeeyay khadka dhexe ee kooxdiisa ku soo wada bilaabayay Busquets, Arthur Melo iyo Ivan Rakatic laakiin kulankii Real Betis waxay ku fahsilmeen in ay joojiyaan William Carvalho iyo xidigaha kale ee Betis waxayna marka horeba u baahnaayeen in sibadal lagu sameeyo.

Valverde ayaa u baahan doona xidiga khadka dhexe ee uu ku biixin doono booska Rakatic iyada oo Busquets iyo Arthur Melo ay booskooda sii xejisan doonaan wuxuuna Valverde haystaa dhawr doorasho kala ah in Arturo Vidal uu kulanka Atletico Madrid ku soo bilaabo.

Vidal ayaa saamayn fiican ku yeeshay markii uu soo galay kulankii Real Betis waxayna u muuqataa in uu sii shaqaystay fursad uu shaxda Valverde ugu soo bilaaban karo kulanka Atletico laakiin Sergi Roberto oo aan difaaca midig shaqo fiican ka qaban ayaa haysta fursad loogu soo celin karo booska uu jecel yahay ee khadka dhexe.

Haddii ay dhacdo in Valverde uu ka shakiyo awooda iyo deg dega Vidal waxa uu haystaa in Sergi Roberto uu khadka dhexe ku soo celiyo isla markaana uu Semedo uu dhaafo difaaciisa midig taas oo xalin karta maqnaanshaha Ivan Rakatic.

1- In Valverde Uu Cadaadiska Ka Yareeyo Lionel Messi.

Lionel Messi markasta waxa uu isku dayaa in uu natiisa saaro culayska ugu wayn laakiin kulankii Real Betis oo uu dhaawac jabniin ah ka soo laabtay wali waxa uu ahaa xidiga garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu laba gool dhaliyay laakiin waxa uu ku jiray xaalad jaho wareer ah.

Lionel Messi ayaa waayay hal ciyaartoy oo Barcelona ah oo uu la ciyaaro kubbad hal-ka-laba ah oo uu ku dhaafi karo difaaca Real Betis, wuxuuna u muuqda mid aan faraxsanayn oo ku dhibtoonayay xaalada xun ee uu kooxdiisa ugu soo laabtay.

Waxaa hore loo sheegay in xaalad wanaagsan oo uu Lionel Messi ka dareemo ciyaartoyda kooxdiisa iyo waliba cadaadis la’aan uu kala kulmo tababarihiisu ay tahay waxa ugu fiican ee uu shaqada ugu badan ku qaban karo.

Lionel Messi ayaan xidigaha khadka dhexe ee kooxdiisa Barcelona ka helin adeegii uu uga soo bartay Xavi iyo Iniesta laakiin wali waxa uu sii wadaa in uu saamaynta ugu badan yeesho isaga oo isku xil saaray in uu isku qabto hawlihii hal abuurnimo iyo gool dhalineed.

Inkasta oo uu Luis Suarez bandhig layaableh soo sameeyay waqtigii uu Lionel Messi kooxda ka maqnaa, haddana waxa uu muuq beelay kulankii Real Betis balse Suarez ayaa la filayaa in kulanka Atletico Madrid uu soo laaban doono isaga oo doonaya in uu xalaadiisa si buuxda u badalo.

Sida ay ciyaartoyda kooxda Barcelona u caawiyaan Lionel Messi ee ay u siiyaan fursado uu hal abuur ku samayn karo ama uu goolal ku dhalin karo ayaa kulanka Atletico Madrid saamayn ku yeelan karta balse Valverde ayaa u baahan in aanu cadaadis badan saarin xidiga kooxdiisa ugu muhiimsan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...