Thursday, December 13th, 2018

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

Published on November 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa iibka ciyaartoyga, kaddib markii ay jabisay sharciga xaaraantimaynaya ciyaartoyga da’da yar ee ajaanibka ah ee heshiiska lala galo.

Ciqaabtan oo ay hore u mareen kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid, ayaa waxa sidoo kale lagu ridi doonaa Chelsea oo noqon doonta kooxdii afraad ee weyn, hase yeeshee waxay kaga darnaan doontaa kuwan hore waqtiga la ciqaabayo.

Warbaahinta Mediapart oo ka mid ah warbaahintii caanka ku noqotay inay baahiso fadeexadda Football Leaks, ayaa waxay daabacday macluumaad cusub oo FIFA gudaheeda ka yimid oo ka mid ah xogtii laga soo xaday xidhiidhka kubadda cagta, taas oo bannaanka soo dhigtay in FIFA ay ogtahay in Chelsea aanay u hoggaansamin, si toos ahna u jabisay sharciga xakamaynta heshiisyada da’yarta, taasna ay ku mutaysan doonto ganaax laba sannadood ah amaba afar xili suuq oo aanay awood u yeelan doonin inay ciyaartooyo cusub u yimaaddaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in FIFA ay baadhayso 19 saxeex oo kooxda reer London ay samaysay, kuwaas oo 14 ka mid ah ay la gashay ciyaartooyo da’doodu ka yar tahay 18 sannadood, taas oo meel ka dhac ku ah kooxaha qawaaniinta lagu ilaaliyo da’yarta iyo inaan si khaldan looga faa’iidaysanin.

14-ka ciyaartoy ee Chelsea ay heshiisyada la gashay iyadoo ay da’doodu ka hoosayso 18-jirka, waxa ka mid ah Bertrand Traore oo hadda u ciyaara kooxda Lyon ee horyaalka waddanka Fransiiska oo sannadkii 2014 ay kasoo qaadatay waddanka Burkina Faso xilli lagu sheegay in da’diisu ay ahayd 18 balse macluumaadka loo gudbiyey FIFA ayaa ku fashilmay inay si buuxda u caddeeyaan taariikhdiisa dhalasho ee saxda ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...