Thursday, December 13th, 2018

Wayne Rooney Oo Markii Ugu Dambaysay Xidhanaya Calaamadda Kabtanka Xulka Qaranka England

Published on November 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-11-2018) Cayaartoyga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa xidhan doona calaamadda kabtanka iyo lambarkiisii uu caanka ku ahaa ee 10 maalinta Khamiista.

33 jirkan ayaa ciyaar lagu sagootiyayo oo dhex-mari doonta England iyo Maraykanka waxa ay ka dhici doontaa garoonka Wembley ee magaalada London, halkaas oo uu ku tiirin doono kabaha xulka dalkiisa uu u xidhan jiray, funaanaddiisii iyo calaamaddii kabtanimada.

Rooney ayaan kusoo bilaaban doonin ciyaarta waxaana uu kasoo garab muuqan doonaa tababare Southgate, laakiin beddel ayuu kusoo geli doonaa qaybta labaad, waxaana markaas calaamadda kabtaninimada ku wareejin doona Fabian Delph oo xidhnaan doonta qaybta hore.

Marka uu Rooney garoonka soo gelayo ayaa waxa loo samayn doonaa saf-sharafeed ay ciyaartooyada Maraykanka iyo Ingiriisku dhanacyada ka istaagi doonaan halka uu kasoo gelayo garoonka iyagoo sacabka u tumi doona, waxaana u istaagi doona dhamaan taageereyaasha garoonka qaadka weyn ee Wembley usoo daawasho tegi doona.

Ciyaartan oo si toos ah looga daawan doono shabakadda ciyaaraha ee cadalool.com, ayaa waxa weeraryahankan hore ee Manchester United iyo Everton ay u noqon doontaa middii ugu dambaysay ee soo afjarta 119 kulan oo uu xidhnaa shaadhka dalkiisa oo uu u dhaliyey 53 gool.

Xulka qaranka England oo la ballansan Axadda Croatia oo garoonka Wembley kula ciyaari doona, ayaanu Rooney kala qayb-geli doonin, waxaana uu dharka siibi doonaa ka hor ciyaartaas.

Laacibka Manchester City ee Delph oo kabtanimada ku wareejin doona Rooney, ayaa waxa uu sheegay in xilligii uu kusoo biiray xulka qaranka England uu qofkii soo dhaweeyey ahaa Wayne Rooney, waxaanu yidhi: “Markii iigu horreysay ee aan xulka ku biiray, Wayne ayaa ahaa kabtanka. Wuu isoo dhaweeyey, gacanta ayuu i qabtay, waxaanu i dareensiiyey inaan gurigaygii joogo. Isla marka uu garoonka soo galo, waxaan u celin doonaa kabtanimadiisii.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...