Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?
Published on December 7, 2018 by Caydiid Cabdi Raxmaan Aadan · No Comments ·
(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan qalinka u qaadanin heshiis cusub oo uu muddada ugu kordhiyo Blues.
Hazard ayaa la sheegay inuu haddaba wada hadallo la bilaabay Real Madrid, taas oo ku qasbaysa Blues inay ka tabaabushaysato oo ay raadsato beddelka ugu habboon.
Wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska ee Le Progres ayaa sheegay in Chelsea ay u dhow dahay inay heshiis la gasho xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon iyo xulka qaranka France ee Nabil Feikir, isla markaana ay meel wanaagsan wax u marayaan mulkiilaha Lyon Jean-Michel Aulas oo ugu dambayn aan ka warwareegi doonin inuu lacag ku badasho xiddigiisan.
Warku wuxuu sheegay in 25 jirkan oo Liverpool ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay xagaagii uu ugu dambayn iman doono Premier League bisha January amaba xagaaga laakiin uu kasoo degi doono garoonka Stamford Bridge.
Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa UK ayaa isaguna qoray in Liverpool ay dhimasho ka xigto arrintan, sababtoo ah, tababare Jurgen Klopp ayaa taageere weyn u ah Fekir, waxaana uu hawlgeli doonaa bisha January marka uu suuqu furmo si uu Chelsea uga soo horqaato.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho
E-mail: info@qalinkacayaaraha.com
Wararka Maanta
(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...
(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...
(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...
(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...
(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...
(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...
(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...
(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...
(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...
(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...
(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...
(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...
(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...
(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...