Sunday, December 16th, 2018

Manchester United Oo War Farxadle Ka Heshay Neymar Jr, Kaddib Dhawaaq Kasoo Yeedhay

Published on December 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa yididiilo geliyey kooxda dhibaataysan ee Manchester United, taas oo hore ugu fashilantay inay gacanta ku dhigto.

Neymar ayaa la sheegay inuu xog ka raadsaday ciyaartooyo ku sugan Ingiriiska oo uu wax ka weydiiyey sida horyaalkaasi u shaqeeyo, xili ay soo baxayaan warar sheegaya in PSG ay ku qasbanaan doonto inay iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda lacagta badan ay kusoo iibsatay sababo la xidhiidha baadhitaanka ay ku hayso UEFA ee jebinta sharciga dhaqaale wanaagga.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Manchester United ayaa heegan gashay markii uu Neymar sheegay in xilli ay noqotaba uu ka ciyaari doono Premier League, laakiin waxa iyaduna tartanka soo gashay Manchester City oo aan jeclayn inay aragto United oo awood yeelatay.

26 jirkan oo ka hadlayey bartiisa Yourtube-ka ayaa waxay sheeko toos ah dhex martay difaaca reer France ee Mendy oo xilligan dhaawac kaga maqan Man City.

Mendy ayaa weydiiyey Neymar su’aal ahayd: “Neymar Jnr, iigu jawaab luuqadda Faransiiska. Ma kula tahay in aad maalin ka ciyaari doonto Premier League?”

Neymar kuma raagin jawaabta su’aashan, waxaanu yidhi: “Ma garan karro waxa berri hdhici doona laakiin waxa aan aaminsanahay in ciyaartoy kasta oo wanaagsan, ugu yaraan uu hal maalin ka ciyaari doono Premier League.

“Haddii aad halkaas ka ciyaarayso, waxa aan kuu rajaynayaa inaad farxad ku joogto Premier League, sababtoo ah halka ugu wanaagsan oo kaliya ayaad u qalantaa.

“Waa tartan weyn, kana mid ah kuwa ugu wanaagsan dunida.”

Hadalkan kaddib ayaa uu Don Balon sheegay in United ay dhegta taagtay oo ay wakiilladeeda ku wargelinayso inay fiiriyaan suurtogalnimada ay kusoo xero gelin karayaan Neymar Jr.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...