Thursday, December 13th, 2018

Zinedine Zidane Oo Mucaaradkii Ugu Horreeyey Ku Yeeshay Gudaha Manchester United Sabab?

Published on December 7, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(07-12-2018) Manchester United ayaa ku jirta mid ka mid ah xili ciyaareedadii ugu xumaa muddo ka badan 30 sannadood ee ay garoomada kusoo bandhigto, waxaanay ku jirtaa kaalinta siddeedaad ee liiska kala sarraynta kooxaha iyadoo 18 dhibcood ka hoosaysa kooxda haysa hoggaanka ee Manchester City.

Afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, Manchester United waxay ka heshay saddex dhibcood oo kaliya, waxaanay masiibadu uga soo bilaabantay guul-darro qadhaadh oo Manchester City u xambaarisay, kulankii xigayna waxay barbar-dhac goolal la’aan ah garoonka Old Trafford kula dhamaysteen Crystal Palace ka hor intii aanay Southampton iyo Arsenal sidaas oo kale barbar-dhac ula gelin.

Xogta kulamadan afarta ah ee ay saddexda dhibcood ee kaliya ka heshay oo weliba laba ka mid ah ay garoonkeeda Old Trafford ku ciyaartay, waxay quus ka dhigaysaa rajada laga qabo inay xattaa tartamada Yurub xili ciyaareedka dambe ka muuqan karto.

Dhibaatada Manchester United haysata ayaa inteeda badan loo nisbaynayaa dhinaca tababareyaasha, sababtoo ah, waxay mashaqadan dhex gashay sannadkii 2013 oo uu ah markii uu ka tegay Sir Alex Ferguson, waxaana waqti kooban ku ambobaxay David Moyes iyo Van Gaal oo lagu beddelay, sidoo kale waxa aan cimri badan ku qaadanin Old Trafford halyeygii Ryan Giggs oo si ku-meelgaadh ah xilka u qabtay markii la caydhiyey Van Gaal.

Mourinho oo la wareegay markaas ayaa bilowgii hore u muuqday mid ay wax iskugu hagaageen, waxaanu ku guuleystay koobab aan dhinaca kooxda taariikhda weyn muhiimad weyn ugu fadhiyin, hase yeeshee dhibtiisa ayaa cirka gashay xili ciyaareedkan oo ay guushii ka fogaatay.

Haddii Manchester United ay guul-darraysato ciyaarta ay Sabtida ku martigelinayso Fulham, waxa dhamaad ku dhowaanaya cimriga Jose Mourinho ee Old Trafford oo marka horeba darruuro mugdi ah hadheeyeen.

Haddii albaabka la tuso Jose Mourinho, waxa la hadal hayaa, ahna qofka ugu horreeya ee United lala xidhiidhinayo macallinkii hore ee Real Madrid, Zinedine Zidane oo markii uu saddex Champions League oo isku xiga kula guuleystay mar kaliya ku dhawaaqay inuu ka tegay shaqada Los Blancos dhamaadka xili ciyaareedkii hore.

Taageereyaasha iyo maamulka kooxdu way isku raacsan yihiin inay tijaabiyaan Zidane oo ay ku riyoonayaan inuu ka saari karo dhibaatada haysata, laakiin waxa jira mid ka mid ah halyeeyadii kooxda oo aan la qabin riyadaas, isla markaana shaki geliyey kartida ZIZOU u leeyahay inuu mashaqada ka saaro United.

Paul Scholes oo ka mid ahaa ardaydii uu soo saaray Sir Alex Ferguson, guulo badanna la gaadhay intii uu u ciyaarayay Manchester, ayaa waxa uu su’aal geliyey sida uu Zidane ku noqon karo qofka xalka u keenaya naadigan.

“Zidane ma yahay qofka ku habboon?” Su’aashaas waxa is weydiiyey Scholes oo ka hadlayey telefishanka BT Sports.

“Wuxuu tegay Real Madrid oo ay kusii diyaarsan yihiin ciyaartooyo hore guulo badan usoo gaadhay, laakiin shaqadani gebi ahaanba way ka duwan tahay; waa inuu dib u dhiso kalsoonida koox aan si wanaagsan u ciyaaraynin.

“Real Madrid wuxuu ugu tegay ciyaartooyo badan oo wanaagsan, welina way adag tahay laakiin tan dhamaanteed waa shaqo dibu-dhis ah.”

Waqtigii uu Zidane qabsaday Real Madrid sannadkii 2016 oo badhtamaha maraya, waxa uu la wareegay Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos iyo Luka Modric oo sida fardaha u boodaya, waxaana u suurtogashay inuu saddex jeer oo isku xigta ku guuleysto Champions League.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...