Friday, January 18th, 2019

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

Published on December 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo lagu qabtay garoonka Alkhurainejtour oo xilligaas xadhiga laga jaray, weli waxay laacibiintii heshiiska lala galay ee dalkaas usoo qaatay diyaaraddu ay sugayaan inay helaan lacagihii lagula heshiiyey.

Ciyaar saaxiibtinimo oo ay isku arkeen halyeeyadii caanka ahaa oo ay ka mid ahaayeen haleeyada dunida caanka ka ahaa sida Romario, Ronaldinho, Veron, Rivaldo, Cafu, Yaya Toure, Eric Abidal & Salgado iyo koox laga soo dhex xulay ciyaartoygii u dhashay waddanka Kuwait ee qaarkoodna haddaba ciyaaraan ayaa waxa layskugu keenay garoonka weyn ee Alkhurainejtour oo la dhisay lix bilood ka hor, waxaana ay dawladda dalkaasi kula heshiisay ciyaartoygii ay soo casuuntay ay siin doonto lacago lagu qeexay qandaraas qodobaysan oo ay kala saxeexdeen.

Nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Ghazi Abdullah ayaa magaca dawladda Kuwait heshiiska kula soo galay ciyaaryahannadan isaga oo isticmaalaya magac shirkad loo bixiyey DreamPro.

Sida uu qoray wargeyska MARCA, DreamPro ayaa ah cidda samaysay musuqa ee lacagta ka dhacday ciyaaryahannada, waxaana qoyska Kuwait ay ku andacoodeen in ay bixiyeen lacag dhan 1.6 milyan oo ay shirkaddu ka qaaday, taas oo ay ahayd lacagta ay ugu talo-gashay in ciyaaryahannada lasoo casuumay la siiyo.

Ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Ghazi Abdullah ayaa la sheegay inuu yahay muwaadin u dhashay Kuwait oo haysta dhalashada Britain, laakiin uu hore ugu lug yeeshay kiisas sidan oo kale ah oo ka dhacay dalka Nigeria oo ciyaartooyo lagu casuumay kulan ciyaareed ka dhacay dalkaas.

Baadhitaan la sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Ghazi Abdullah ay wada shaqayn leeyihiin kooxda Real Mallorca ee ka dhisan waddanka Spain, laakiin waxa naadigaasi uu dafiray inay wax ka ogtahay arrimahan.

Warku wuxuu intaa ku daray Ghazi Abdullah uu isticmaalo magacyo iyo aqoonsiyo kala duwan oo uu ka mid yahay magaca Abdullah Abdullah, hase yeeshee aanu kasoo muuqanin xafladdii furitaanka garoonka Al-Khurainej, sidoo kalena aanay ciyaartoygu meelna ku arag intii ay ku sugnaayeen dalkaas.

Sida ka muuqata heshiisyada lala galay xiddigahan, Abdullah ayaa ah shaqsiga heshiiska saxeexay ee magaciisu ku qoran yahay, balse dhamaan dhukuments-ka ayaa waxa laga beddelay oo foojari noqday.

Si kastaba ha ahaatee, qoyska Al-Khurainej ayyaa la sheegay in aanay doonaynin inay qaataan masuuliyadda waxa dhacay iyo musuqa lagu sameeyey ciyaaryahannadan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...