Friday, January 18th, 2019

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

Published on December 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League ay foodda isku dari doonaan garoonka Anfield.

Ciyaartan oo laysku raacsan yahay inay tahay midka ugu weyn ee dalka Ingiriiska marka laga fiiriyo xafiiltanka, taariikhda iyo colaadda labada naadi ee guulaha ugu badan ka gaadhay horyaalka dalkaas, ayaa waxa ay kusoo beegantay maalmo kaddib markii ay Manchester United diiwaangashatay khaladaad halis ku ah xili ciyaareedkooda oo ay sameeyeen difaacyahannadu.

Kooxda Mourinho ayaa waxay Arbacadii la ciyaartay Valencia, waxaana gool qurux badan iska dhaliyey difaaca Phil Jones kaasina waxa uu sababay in United ay kaalinta labaad ka gasho groupkeeda oo Juventus ay ka dambayso.

Difaaca hore ee Blackburn Rovers ee Phil Jones waxa uu kusoo bilowday ciyaarta iyadoo uu garab taagan yahay Eric Bailly oo kaga wanaagsanaa bandhiggii garoonka gudihiisa ee habeenkii

Victor Lindelof iyo Chris Smailling ayaa ahaa xulashada Jose Mourinho ee khadka difaaca laakiin labadooduba way dhaawacan yihiin, waxaanay taasi fursad siisay Bailly iyo Jones oo noqday labada laacib ee kaliya ee booskaa ka ciyaara ee uu haystay tababaraha xamaasadda badan.

Kulankii Fulhaam, tababare Jose Mourinho waxa uu iska garab ciyaarsiiyey Smalling iyo Jones, laakiin ciyaartii Arsenal waxa uu khadkiisa dambe waxa uu door biday inuu ku ciyaaro saddex daafac oo ay iska garab ciyaraan Bailly, Marcos Rojo iyo Smalling, laakiin labada dambeba ma haystaan fursad ay garoonka ku yimaaddaan kulanka Axadda ee Liverpool sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan, waxaana la sugi doonaa illaa daqiiqadda ugu dambaysa haddii ay soo laaban karaan.

Haddii ugu dambayn Mourinho lagu wargeliyo in Rojo, Lindelof ama Smalling aanay xaadir u noqonaynin, waxa uu helayaa madax xanuun xulasho oo khadka difaaca ah, isagoo la ogyahay inuu qaadan karo go’aamo adag oo ay u badan tahay inuu kaydka geliyo Phil Jones.

Sida ay warbixintani sheegtay, Jose Mourinho waxa uu difaaciisa ka dhigan doonaa Nemanja Matic iyo Bailly oo uu 5&4 ka ciyaarsiin doono, waxaanay ka hor tegi doonaan Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo ay qabashadoodu adag tahay.

Haddii uu go’aankan qaaato, waxa u fududaan doonta Tababare Jurgen Klopp inuu dhexdooda fursad ka helo isaga oo Salah iyo Firmino marba mid dhinaca midig geynaya, halka uu Mane garabka bidix kasoo geli doono.

Haddaba, akhriste sidee ayey kula tahay in tababare Mourinho usoo xulan karo shaxdiisa difaaca haddii ay xiddigaha aynu sare ku soo sheegnay fursad u heli waayaan kulankan?

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...